Dowladda Maraykanka oo cambaaraysay qaraxyadii ay Argagixisadu ka geysteen Muqdisho

Date:

USA-(SNTV)-Dowladda Maraykanka ayaa cambaarayn xooggan Dusha uga tuurtay Kooxihii ka dambeeyay weerarradi Argagaxiso ee 28-kii Febraayo ka dhacay xarumo ganacsi oo ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Xukuumadda Washington DC, ayaa sidoo kale ammaan usoo jeedisay tallaabooyinka geesinimada leh ee ay Ciidamada amniga Soomaaliya nafdooda ugu hureen ka hortagga kooxda weerarka soo qaadday iyo sida ay u dadejiyeen taakuleynta Dadkii dhaawacmay ee ku xannibnaa halka ay wax ka dhaceen,taaso sahashay badbaadinta Naf badan.

Dowladda Maraykanka ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay Qoysaska iyo saaxiibbada dhibbanayaasha la dilay ama ku dhaawacmay weerarkii bahalnimada ahaa ee ay Argagixisadu geysteen.

War Qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Ambassador; Don Yamamoto, ayaa lagu sheegay in ay Al-Shabaab mar kale muujisay in aysan u haynin nolasha Dadka Soomaaliyeed wax tixgilin ah.

Warkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay Kooxda Argagixisadu leedahay Hal hadaf oo ah in laga hortago horumarka, nabadda iyo barwaaqada ay ku tallaabsanayso Soomaaliya.

“Dowlada Maraykanka waxa ay xaqiijineysaa dedaalka xooggan ee ay siineyso Dadka iyo  xukuumadda Soomaaliyeed, iyada oo Gacan ka geysaneysa ​​dedaallada wadajirka caalamiga ah,  taas oo lagu doonaayo dhisidda Dal xoog leh oo Dadkiisa u horseeda barwaaqo iyo mustaqbal wanaagsan” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Xafiiska Amb; Yamamoto.

Tan iyo markii uu dhacay weerarkii waxashnimada ahaa ee ay Argagixisadu ku qaadeen xarumo ganacsi iyo Guryo Dad Shacab ah oo yaalla Muqdisho Laba Cisho ka hor, waxaa isa soo taraya cambaaraynta kaga imaaneysay dhagar-qabayaasha Beesha Caalamka iyo Bulsho weynta Soomaaliyeed eek u dhaqan daafaha Dunida.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley ciyaarta...

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixda dhiggiisa  Sacuudiga 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac...