QM oo ku baaqday in la dedejiyo baarista Kiiska Caa’isha Ilyaas oo dhawaan lagu dilay Gaalkacyo.

Date:

Muqdisho-(SNTV)-War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska hay’adda Qaramada midoobay u qaabbilsan maalgelinta Dad weynaha ee UNFPA, ayaa lagu cambaareeyay tacaddiyadii loo geysta Caa’isha Ilyaas Aaden, oo ahayd 12 Jir , dhowaan lagu dilay Magaalada Gaalkacyo.

Hay’adda ayaa sheegtay in ay si weyn ugu damqadeen Gabadhaasi yar oo la kufsaday, si naxariis darro ahna loo dilay, ka dib markii laga afduubtay Gurigooda oo ku yaalla Waqooyiga Gaalkacyo.

Qoraalka ayaa lagu yiri, Hay’adda Caalamiga ah ee UNFPA, iyada oo gudaneysa mas’uuliyadda ka saaran xakamaynta tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka iyo Gabdhaha, waxay cambaareyn xooggan Dusha uga tuurtay falka waxashnimada ah ee lagula kacay Caa’isha yar.

Falalka ku salaysan Jinsiga ee lagula kaca Haweenka ayay ku tilmaantay in uu yahay mid xad-gudub daran ku ah xuquuqda Haweenka iyo Gabdhaha, taas oo ay tusaale xun u tahay dilka iyo kufsiga lagula kacay Caa’isha yar, ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay UNFPA.

“UNFPA waxay Garab taagan tahay Qoyska Caa’isha, waxayna si buuxda u taageeraysaa Bulshooyinka iyo Dadka u dhaqdhaqaaqa la dagaallanka shaqaaqooyinka ku salaysan jinsiga iyo xuquuqda Haweenka iyo midda aadanaha ee Soomaaliya” ayaa sidoo kale lagu yiro Qoraalka.

Hay’adda UNFPA, ayaa ugu dambayn ku baaqday in baaritaan deg-deg ah lagu sameeyo dilka Caa’isha iyo in Puntland laga hirgeliyo xeerka dembiyada galmada.

Waxanay ku baaqday in Maanta iyo mar kastaba loo istaago dhowrista xuquuqda Aadanaha, amniga iyo ilaalinta sharafta Haweenka meel kasta oo ay joogaan.

Isha/reliefweb

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Warfaafinta Hirshabeelle oo tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka...

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay...

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...