Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koofurta Suudaan oo kulan ku yeeshay Caasimadda Jubba

Date:

Shirweynaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koofurta Suudaan oo aay soo qaban qaabiyeen Gudigga Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa waxaa ka soo qeyb galay Xubnaha gudigga (SOBASS), Madax ka socotay Dowladda Koofurta Suudaan, Diplomaasiinta Safaaradda Soomaaliya ee Koofurta Suudaan, Masuuliyiinta Ururka Dhallinyarada iyo Isboortiga Soomaaliyeed, ganacsato iyo waliba bulshada qeybaheeda kala duwan.

Shirweynaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koofurta Suudaan oo sanad walba mar la qabta ayaa waxaa loogga arrinsadaa wax yaabahii u suurta galay Gudigga Ganacsatada Soomaaliyeed Muddadii sanadka aheed ee la soo dhaafay.

Guuddoomiyaha Ganacsatada Soomaaliyeed ee Koonfurta Suudaan Cabdishakuur Maxamed Xuseen ayaa ugu horeyn dadweynahii ka soo qeyb galay Kulanka soo dhaweyay, asigoona Mahadcelin balaaran u jeediyay Xubnahii soo abaabulay Shirweynaha.

Sido kale Shirka ayaa lagu soo bandhigay, Waxqabadkii gudigga Ganacsatada iyo Waliba hiigsiga gudigga ee Sanadka 2019.

Sido kale Xisaab Celinta Miisaaniyadda Sanadkii tagay ayaa iyadana meesha lagu soo bandhigay.

Ku xigeenka Safiirka ahna Qunsulka guud ee Safaaradda Soomaaliya ee Koofurta Suudaan Mudane Shaafici Nuralas Faarax ayaa dhamaan Soomaalida Koofurta Suudaan u soo jeediyay inay isku xirnadaan Midowaan islamarkana aay ilaaliyaan sharciga Dalkan u dagsan.

Gabagabadii Shirweynaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koofurta Suudaan ayaa waxaa shahaadooyin la gudoonsiiyay Dadkii sida aadka ah ula shaqeyay Gudigga Ganacsatada Soomaaliyeed ee Konforta Suudaan.

Yuusuf Maxamed Macalin (Yusuf Kashmiir)

(Caasimadda Konforta Suudaan Jubba)

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

Diiwaangelinta doorashooyinka Qof iyo Cod ee degmada Gaalkacyo ayaa...

Guddoomiyaha dhallinyarada Gobolka Banaadir oo ka dhiidhiyay faragelinta YH-da ee dalkeenna.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Gobolka Banaadir, Cumar Faaruuq, ayaa si kulul...

Culimada Soomaaliyeed oo banaanbax ka dhan ah Xadgudubka Israa’11l ka dhigay Taallada Daljirka Dahsoon.

Banaanbax ballaaran oo ay soo abaabuleen Culimada Soomaaliyeed ayaa...

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed oo ka hadlay faragelinta Israa’11l.

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Suufo Yare, ayaa...