Koobka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Konforta Suudaan oo lagu soo gabagabeyay Caasimadda Jubba

Date:

Jubba-(Hornafrik)-Waxaa Magaalada Jubba ee caasimadda Koofurta Suudaan lagu soo gabagabeyay Shalay koobka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalkaasi.

Koobkan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Ururka Dhalinyarada iyo Isboortiga Soomaaliyeed ee Konforta Suudaan, waxaana munaasabaddii gaba-gabada ka qayb galay Ganacsato, Madaxda Ururka Dhalinyarada iyo Isboortiga Soomaaliyeed iyo Dad weyne aad u fara badan oo u soo daawsha tagay ciyaarta.

Tartankan oo socoday Muddo Bil ah ayaa waxaa ka qeyb galay 10-Koox, iyadoo cayaartii kamadanbeysta ay isku soo hareen Kooxaha Trojan iyo Doolo Bay, waxana Ciyaarta oo waqtigii looga talagalay ku soo idlaatay 4 iyo 4, Gool ku laad ku badisay kooxda Doolo Baay.

Guddoomiyaha Ururka Dhallinyarada iyo Isboortiga Soomaaliyeed ee Konforta Suudaan, Axmed Cabdi Maxamed iyo qaar ka mid ah masuuliyiintii kale ee ka soo qeyb gashay ciyaarta ayaa hambalyo u diray kooxda Doolo Bay, iyagoona sido kale u Mahadnaqay dhamaan kooxihii kale ee qeyb galay tartanka.

Sido kale Tababarayasha labada koox oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyay dareenkooda ku aaddan ciyaarta.

Dhanka kale Mulkiilaha kooxda Dolo bay oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay farxad gooni u tahay in Kooxda Doolo Bay ay ku guuleysata horyaalka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Konforta Suudaan.

Uguga danbeyn waxaa goobta lagu gudoonsiiyay koobkii Jaaliyadda Soomaaliyeed kabtanka Kooxda Doolo Bay, sidoo kale waxaa halkaasi lagu guddoonsiiyay ciyaartoygii ugu wanaagsanaa Tartanka Cabdinuur Aadan Yaroow, iyo Tababrihii ugu wanaagsanaa Tartanka oo uu noqday tababare, Cabdikariim Cusman.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...