Guddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka oo shir uga qeyb galaya dalka Masar

Date:

Muqdisho (SNTV): Magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar waxaa ka socda oo maalintii labaad galay shirka heerka sare ee guddoomiyeyaasha Maxkamadaha sare,maxkamadaha iyo Goleyaasha Dastuuriga ah ee dalalka Afrika.

Shirkan ayaa inta uu socdo waxaa diirada lagu saarayaa hannaan hufnaanta xukunka Maxkamadeedka iyo isdhaafsiga waayo aragnimada Garsoorayaasha Afrika,waxaana sidoo kale shirkan lagu soo bandhigi doonaa sharaxaad ku saabsan waxyaabaha ku jira go’aanka maxkamadaha dastuuriga ah ee Afrika.

Shirkan ayaa Soomaaliya waxaa ugu qeyb galaya Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed.

“Waxaan magaalada Qaahira kaga qaybgalay shirka heerka sare ee Guddoomiyeyaasha Maxkamaddaha Sare, Maxkamaddaha iyo Goleyaasha Dastuuriga ah ee dalalka Afrika oo ay sanadkii saddexaad oo xidhiidh ah Dawlada Masar martigalisay,” ayuu ku yiri qoraal kooban oo Guddoomiyaha ku soo qoray Bartiisa Facebooka.

Shirka oo furmay sabtidii,ayaa waxaa ka soo qeyb galay ra”iisal wasaaraha Masar Mostafa Madbouli, Guddoomiyaha Maxkamada Dastuuriga Masar Hanafi Ali al-Gebali,wasiirka Socdaalka Nabila Makram iyo wasiirka korontada Maxamed Shaker.

Dowladda Masar ayaa sanadkii saddexaad oo xiriir ah martigelineysa shirkan,waxayna muhiimadu tahay sidii iskaashi iyo wada shaqeyn buuxda u dhexmari lahayd Garsoorayaasha dalalka Afrika,iyadoo la soo gaba gabeyn doono shirka maalinta berito ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Isgaarsiinta oo kulan la qaatay Wasiirka Isgaarsiinta Dalka Qatar

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda JFS, Mudane Ahmed...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo ka qeybgalay Shirka Caalamiga ah ee Dambiyaynta Gumaysiga Afrika

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed...

Howlgal ka dhan ah khawaarijta oo ka dhacay Shebeellaha Dhexe

Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gorgor ayaa howlgal...