Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Xarigga Ka Jaray Taliska Qaybta Guud ee Gobalka Banaadir oo dib Loo dhisay

Date:

Muqdisho (SNTV):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, oo maanta xarigga ka jaray xarunta taliska qaybta guud ee gobalka Banaadir oo dib u dhis ballaaran lagu sameeyay ayaa sheegay in Booliisku ay laf-dhabar u yihiin horumarinta garsoorka iyo dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa wasaaradda amniga iyo taliska booliiska ku ammaanay dib-u-dhiska taliska xarumaha booliiska gaar ahaan qaybta guud ee gobalka, waxa uuna taliska booliiska faray in lasoo celiyo sharafta booliiska iyo in taliska dhexdiisa ay ka billaabaan dagaalka ka dhanka ah musuqa, si loo soo celiyo kalsoonida shacabka.

Taliska Booliiska oo Ra’iisul wasaaraha usoo bandhigay qorshayaashooda hagaajinta amniga, ayaa ballan qaaday soo celinta sumcadii iyo sharaftii uu caanka ku ahaa booliiska Soomaaliyeed iyo in safka hore ay ka gelayaan dagaalka ka dhanka ah musuqa iyo laalaabka si loo helo amniga la isku hallayna karo cadaalad loo simanyahay.

Halbeegyada wasaaradda amniga gudaha XFS ay ku leedahay tubta amniga iyo cadaaladda ayaa waxaa qayb ka ah dib u dhiska xarumaha booliiska ee caasimadda dalka iyo dayactirka xarunta tababarka booliiska Gen. Kaahiye.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...

Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Dowladda Indonesia ayaa si cad u adkaysay taageerada ay...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal lagu tiro badan oo Khawaarij ah ka fuliyey Shabeellaha dhexe

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

Golaha wasiirrada oo buriyey heshiisyadii lala galay Imaaraadka Carabta

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ku shaqeynaya...