Mareykanka oo faah-faahiyay duqeymo lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

Date:

Africom (SNTV) War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska ciidamada Mareykanka Qaaradad AFrika ee Africom ayaa lagu faah faahiyay duqeymo xagga cirka ah oo lagu qaaday xarumo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Alshabaab ee kuyaala gobolka Shabeelada Hoose.

Africom ayaa sheegtay in iyagoo kaashanaya Ciidamada Soomaaliya ay duqeymahaasi ka fuliyeen deegaanada Gendershe iyo Bariire ee gobolka Shabeelada Hoose,kuwaasi oo khasaare lagu gaarsiiyay argagixisada Alshabaab, 48 saacadood ee la soo dhaafay.

Weeraradaasi oo dhacay 2 maalmood oo is xig xigtay ayaa waxaa lagu dilay ilaa 15 xubnood oo k atirsan koxda Alshabaab,sida lagu sheegay qoraalkaasi ka soo baxay Africom.

Maj Gen Gregg Olson oo ah agaasimaha howlgalada ee taliska Africom ayaa sheegay in caawinaad xoogan ay ka helayaan dowladda Soomaaliya oo dadaal ugu jirta sidii shacabka looga dulqaadi lahaa dhibaatooyinka ay ku qabaan kooxda Alshabaab.

Wuxuu sheegay in ay sameeyeen baaritaano ku aadan qaabka ay duqeymahaasi u dheceen,si loo xaqiijiyo bad qabka shacabka,waxaana warbixinta lagu sheegay in aanay jirin waxyeelo soo gaartay dadka rayidka ah,iyadoo warbixinta lagu sheegay in la sii kordhinayo howlgalada ka dhanka ah ALshabaab.

Ugu dambeyntii qoraalka ayaa lagu sheegay in howlgalka Africom uu sii wadayo howlgaladaasi ilaa amaanka dalka uu ka soo wereego AMISOM laguna wareejiyo dowladda Soomaaliya,ilaa laga gaarana ay isticmaali doonaan awoodkasta oo ay ku badbaadin karaan shacabka Soomaaliyeed oo dhibaato xoogan ku qaba maleeshiyada Alshabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo Ka tacsiyeeyay geerida marxuum Xuseen Axmed Qoryooley

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud...

Kulan casho sharaf ah oo loo sameeyay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka caalamiga ah ee Iscafinta iyo Nabadda

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo la kulmay hoggaanka Bulshada Rayidka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Amiirka dalka Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...