Shirka Tubta Siyaasadda Loo Dhanyahay oo Lagu Soo Bandhigay Hannaanka Dib-u-heshisiinta Qaranka

Date:

Muqdisho (SNTV)–Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shirka Tubta siyaasadda loo dhanyahay oo lagu qabtay xarunta wasaaradda arrimaha gudaha kaas oo lagu soo bandhignay qabyo-qoraalka Hannaanka Dib-u-heshisiinta Qaranka oo faahfaahsan.

Hannaanka dib-u-heshisiinta Qaranka oo qabyo ah, marka lasoo gebegebeeyana la lor gaynayo golaha wasiirrada ayaa muhiim u ah dalka maadaama laga soo kabanayo dagaallo, lana doonayo in dalka laga hirgeliyo nidaam dimuqaraadiya oo sax ah la jaan-qaadi kara dunida, dadka Soomaaliyeedna ay aaminsan yihiin, baahina loo qabo soo kabsasho degdeg ah oo dhan walbo ah iyo isdhexgal bulsho oo damaanad qaadaya isu socod, is aaminaad iyo is ixtiraam.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha Halbeegyada ku leh tubta waxa uu faray in ay dardar-geliyaan hawlaha u yaalla si loogu guulaysto himilooyinka tubta, isaga oo hoosta ka xariiqay in uu jiri doono isla xisaabtan joogta ah oo lagula soconayo sida howluhu u socdaan.

Kulanka maanta ayaa bilaaw u ahaa kulamada Tubaha qaranka oo loo wareejiyay xarumaha wasaaradaha si loo daadejiyo awoodda shaqaduna degdeg ugu socoto, maadaama xukuumaddu ay Sanadkaan 2019 u qorsheysay guda galidda fulinta qorshayaasha Tubaha Qaranka oo ah hannaanka ay dowladda Soomaaliya muwaadiniinta ku gaarsiineyso adeegyada aasaasiga.

Himilooyinka Tubta Siyaasadda loo dhanyahay ayaa waxaa qayb ka ah Qaan-gaarsiinta nidaamka Federaalka, dhameystirka nidaamka dib-u-heshiisiinta, Dhameystirka Qabyo qoraalka dastuurka, Diyaarinta hannaanka iyo qorsheynta doorshooyinka 2020 iyo Xoojinta xiriirka caalamiga ah iyo iskaashi danta Soomaaliya ku jirto oo aan dunida inteeda kale la yeelanno.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay Hindise Sharciyeedka Mamnuucidda Gudniinka Fircooniga

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Madaxweynaha JFS oo khudbad ku saabsan xaaladda dalka u jeedin doono Xildhibaannada Labada Aqal

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Howlgal ka dhan ah khawaarijta oo ka dhacay gobolka Galguduud

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo...

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Haashimi ee Urdun, Jamhuuriyadda...