Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo Kormeeray dhismaha Xabsiga Guud ee Muqdisho oo La Dhamaystiray

Date:

Muqdisho (SNTV):-Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo ay wehliyaan taliyaha ciidanka asluubta, xeer ilaaliyaha qaranka iyo wasiirka caddaaladda ayaa maanta booqday xabsiga guud ee Muqdisho oo laga hir-geliyay Taliska Guud ee Asluubta oo ku yaalla Ex-kaantarool Afgooye.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo mas’uuliyiinta kale ee la socotay ayaa soo indha-indheeyay dhammaan qaybka uu ka koobanyahay xabsigaan oo la gaarsiiyay heerka xabsiyada caalamka loona dhamaystiray adeegyada ay u baahanyihiin maxaabiista lagu xiro una ogolaanaya xuquuqdooda aasaasiga ah, taas oo meesha ka saaraysa dhibaatooyinkii maxaabiistu ku qabeen gudaha xabsiyada lagu xiro.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in dawladda ay waajib ku tahay ilaalinta xuquuqaadka maxaabiista, xabsiga guud ee dhismihiisa la dhamaystirayna uu noqonayo halbeegga dhismaha xabsiyada kale ee dalka si iyana loo gaarsiiyo heerka xabsiyada caalamiga ah, waxa uuna u mahadceliyay dhammaan hay’adaha iyo dadka Soomaaliyeed ee ka qayb qaatay dhismaha xabsiga.

Halbeegyada wasaaradda caddaaladdu ay ku leedahay Tubta Amniga iyo caddaalada ayaa waxaa kamid ah hagaajinta xabsiyada dalka, waxa uuna sheegay ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalku in ay guul wayn tahay in halbeeg kamid ah halbeegyadii muhiimka ahaa uu maanta fulay.

Xabsiga Guud oo loo qorsheeyay in lagu yareeyo culayska ka jiray xabsiyada dalka gaar ahaan xabsiga dhexe ee Muqdisho ayaa si rasmi ah u shaqo billaabaya February 22, 2019.

Dawladda Soomaaliya ayaa muhiimad gaar ahaaneed siisay hannaanka xabsiyada dalka loogu bedelayo gooba dhaqan celin, waxbarasho iyo toosin, si looga gudbo dhaqankii hore ee ahaa in xabsiyadu loo aqoonsado goob ciqaabeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...