Muqdisho (SNTV):-Ku-simaha raβiisul wasaarha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), ahna raβiisul wasaare ku-xigeen, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta daah-furay qorshaha fulinta ballan qaadyadii wasaaraduhu la galeen raβiisul wasaare Xasan Cali Khayre.
Qorshaha Fulinta Ballan Qaadyadii wasaaradaha ayuu ku-simaha raβiisul wasaaruhu ka billaabay wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada oo horay raβiisul wasaare Khayre kula ballantay in sannadkaan ay soo dhamaystiri doonaan shan halbeeg oo waawayn.
Wasiirka caafimaaka iyo daryeelka xukuumadda ayaa maanta saxiixday shanta halbeeg ee horay u ballan qaaday in ay fulin doonto sannadkaan 2019.
Wasiiru dawlaha xafiiska raβiisul wasaaraha, Cabullaahi Xaamud, oo ka war bixiyay qorshaha fulinta ballan qaadyadii wasiirrada xukuumadda ayaa sheegay in raβiisul wasaare ku-xigeenka dalka oo masβuul ka ah daba galka hannaan fulinta ballan qaadyada uu si joogta ah wasaaraha u booqan doono si uu u hubiyo sida ay shaqooyinku uga socdaan wasaaradaha.
Dhammaan wasiirrada xukuumadda ayaa horraantii bishaan Janaayo waxa ay raβiisul wasaare Xassan Cali Khayre u gudbiyeen halbeegyada ay ku leeyihiin Tubaha Qaranka ee lagu saleeyay dhamaan shaqooyinka dawladda.



