Maleeshiyaad iyo horjoogayaal Shabaab ah oo lagu dilay Jilib

Date:

Muqdisho (SNTV)- Howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Xoogga dalka ayaa lagu xasuuqay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, kaasi oo ka dhacay Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Howlgalkan ayaa ka dhacay ilaa iyo shan goob,  oo ay ka mid yihiin xarunta Difaacyada oo ah goob ay ku diyaarinayeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, Xarunta Amniyaadka, Xarunta Saadka, goob ay ku diyaariyaan qaraxyada iyo Xarunta maaliyadda oo ah goob ay ku keydsadaan xoolaha iyo lacagaha baadda ah ee ay ka qaadaan shacabka, kuwaasi oo gebi ahaanba la bur buriyay, kaddib markii duqeyn xagga cirka ah lala geystay.

Saraakiisha ciidanka ayaa xaqiijiyay in howlgalkaasi lagu qaarajiyay dhowr boqol oo ka tirsan argagixisada, maadaama ay goobahaas ku sugnaayeen maleeshiyaad lagu qiyaasay 700, oo isugu jirta horjoogayaal iyo maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab, waxaana goobta lagu bur buriyay 30 gaadiidka dagaalka ah.

Xarunta Shabaab u ahayd difaaca ayaa lala eegtay saddex gantaal, waxaana goobtaasi ay argagixisadu ku diyaarineysay maleeshiyaad ay ka soo aruuriyeen gobollada dalka, iyadoo inta duqeynta ka badbaaday ay goobta ka firxadeen.

Horjoogayaasha la xaqiijiyay in howlgalka uu dhaawac culus ka soo gaaray waxaa ka mid  ah Cabdi Nuur Abuu Basma, oo u qaabilsanaa degmada Jilib.

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee xoogga dalka ayaa joogteeyay howlgalka lagu bartilmaameedsanayo horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladda Nayjeriya oo si adag u cambaareysay xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya

Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Nayjeeriya ayaa si cad u muujisay...

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay Hindise Sharciyeedka Mamnuucidda Gudniinka Fircooniga

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Madaxweynaha JFS oo khudbad ku saabsan xaaladda dalka u jeedin doono Xildhibaannada Labada Aqal

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Howlgal ka dhan ah khawaarijta oo ka dhacay gobolka Galguduud

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo...