Maleeshiyaad iyo horjoogayaal Shabaab ah oo lagu dilay Jilib

Date:

Muqdisho (SNTV)- Howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Xoogga dalka ayaa lagu xasuuqay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, kaasi oo ka dhacay Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Howlgalkan ayaa ka dhacay ilaa iyo shan goob,  oo ay ka mid yihiin xarunta Difaacyada oo ah goob ay ku diyaarinayeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, Xarunta Amniyaadka, Xarunta Saadka, goob ay ku diyaariyaan qaraxyada iyo Xarunta maaliyadda oo ah goob ay ku keydsadaan xoolaha iyo lacagaha baadda ah ee ay ka qaadaan shacabka, kuwaasi oo gebi ahaanba la bur buriyay, kaddib markii duqeyn xagga cirka ah lala geystay.

Saraakiisha ciidanka ayaa xaqiijiyay in howlgalkaasi lagu qaarajiyay dhowr boqol oo ka tirsan argagixisada, maadaama ay goobahaas ku sugnaayeen maleeshiyaad lagu qiyaasay 700, oo isugu jirta horjoogayaal iyo maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab, waxaana goobta lagu bur buriyay 30 gaadiidka dagaalka ah.

Xarunta Shabaab u ahayd difaaca ayaa lala eegtay saddex gantaal, waxaana goobtaasi ay argagixisadu ku diyaarineysay maleeshiyaad ay ka soo aruuriyeen gobollada dalka, iyadoo inta duqeynta ka badbaaday ay goobta ka firxadeen.

Horjoogayaasha la xaqiijiyay in howlgalka uu dhaawac culus ka soo gaaray waxaa ka mid  ah Cabdi Nuur Abuu Basma, oo u qaabilsanaa degmada Jilib.

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee xoogga dalka ayaa joogteeyay howlgalka lagu bartilmaameedsanayo horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo wadahadal la yeeshay Safiirka Turkiye ee Soomaaliya

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka...

Wafdi Gaanacsato Shiine ah oo soo gaaray Muqdisho(SAWIRO)

Wafdi ganacsi oo Shiinaha ka socda ayaa maanta soo...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo soo dhaweysay Ku-xigeenka Danjiraha Safaaradda Mareykanka ee dalka Soomaaliya

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil...

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...