Loolanka Al-shabaab iyo Daacish muxuu ku salaysan-yahay?!

Date:

Muqdisho (SNTV):-Daacish waa Urur xagjir ah oo ka soo billowday Dalalka Ciraaq iyo  Suuriya, waxaana asaaskeeda lahaa Nin la yiraahdo  Abuubakar Albaqdaaqi , horraantiii Sanadki 2014ka, waxa ayna ku fideen meelo badan oo ka mid ah Ciraaq iyo Suuriya.

Ururka Daacish waxa uu ka faa’iideystay bur-burkii iyo awood-darradii haysatay Dowladaha Ciraaq iyo Suuriya, taas oo meesha ka saartay xakamayta ururkan.

Daacish ama ISIS waxaa u suurta-gashay in ay hesho ilo dhaqaale iyo  adeegsiga  warbahinta casriga ah, taasina waxay u sahashay in ay marin habaabiyaan  Boqolaal Dhallinyaro ah oo aan waxbadan ka aqoon Diinta Islaamka iyo xeerarka u degsan jihaadka.

Hal-hayska iyo hal ku dheggooda wanaagsan ee ah ” Soo celinta Dawladdii  Islaamka ” ayaa  keenay in Dhallinyaro badan oo jidbaysani ay rumaystaan, sidaana kaga mid noqdaan Ururka Daacish.

Daacish iyo Al-Shabaab  maxaa ay ku kula duwanyihiin ?

Waxa jira dhowr qodob oo ay ku kala duwanyihiin Daacish iyo Al-shabaab, waxana ka mid ah:

  1. Ku soo biiridda (Askaraynta ) Al-shabaab waxa ay aad xoogga u saaraan in Qofka kusoo biiraya la mariyo baaritaan dheer, lana dabagalo si loo hubiyo  in ay dhab ka tahay mabda’a xagjirnimada ah, xogtooduna waa mid inta badan sir ah, halka Daacish aanay xoogga saarin hab-dhaqanka Qofka, waxa ay muhiimadda saaraan in qofku uu addeeco hoggaamiyaha, lagana qaado ballan adag (Baycada).

 

  1. Isticmaalka aaladda Internetka:

Al-Shabaabka isticmaalka interner-ku waa mid kooban, marka loo eego Daacish oo aad ugu soo caan-baxday adeegsiga baraha bulshada , ururinta dhaqaalaha iyo raadin taageero dhallinyaro ah.

  1. Bahalnimada :

Labada kooxood waa kuwo ah arxan laawayaal qalbi adag oo aan haba yaraatee wax naxariis ah lahayn, waxa ay ka mideysan yihiin dilka, bur-burinta iyo qaraxyada ismiidaaminta ah.

Daacish waxa intaas u sii dheer  in ay si toos ah  u fuliyaan toogasho , gubid , madax ka goyn,   iyagoo adeegsanaya aaladda Internet-ka,  si toos ahna  u tebinaya,  taas oo dhalisay arga-gax iyo cabsi la soo deristay Dadweynaha.

 

  1. Daacish waxa ay xoogga saaraan in ay qabsadaan  goob-walba oo ka tirsan caalamaka, halka Al-shababa ay ku koobanyihiin goobo gaar ah.

Maxay ka siman yihiin?

1.Xag-jirnimada:

Waxaa  ay ka soo horjeedaan dhex-dhexaadnimada  , waa kooxo aragti ahaan watan astaan lagu yaqaanno takfiirka, waana astaan Labada kooxood ee Al-shabaab iyo Daacish  ku caan-bexeen.

  1. Xad-gudubyada:

Waxa ay sameeyaan falal  ka dhan ah bini’aadannimada iyo Diinta Islaamka,  sida dilalka ,qaraxyada ismiidaminta ,dhaca iyo boobka hantida Dadweynaha,  faafinta aragtiyo gurracan, adeegsiga iyo ku tagrifalka awoodda Hubka iyo hanjabaado kulul.

  1. Bur-burinta hantida Qaranka :

Waxa ay diiddanyihiin dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha iyaga oo ka  hor imanaya Dowlad-nimada iyo horumarka nolosha Aadanaha.

  1. Dilalka qorshaysan:

Waxa ay beegsadaan aqoonyahannada , Wax garadka , Culimada iyo cid-walba oo ka soo horjeesata fekerkooda .

  1. Al-shabaab iyo Daacish: waxa ay ku caan-baxeen dhibaataynta Dad Muslimiin ah, waana astaan lagu yaqaan oo muujinaysa xagjinimadooda.

Khilaafka Al-shabaab iyo Daacish   maxaa uu  ku salaysan yahay?

1.Khilaafka Labada kooxood maaha mid hadda soo if-baxay, waxa uu bilaabmay Sanadkii 2015,  xilligaas oo Labada dhinacba ay ku dagaalameen dhowr jeer Gobollada Jubbooyinka iyo Buuraleyda Gobolka Bari oo ah Saldhiga Daacish.

Waxaana halkaas khasaarihii ugu badnaa loogu geystay hogaamiyeyaal ka mid ah Daacish,iyadoo laga dilay xubno ay ka mid yihiin, Sheekh Abuu Nucmaan Bashiir,  Xuseen Cabdi Aadan iyo Mohammed al-Makkawi oo u dhashay Dalka Suudan .

  1. Sababaha la xiriira dilalka iyo isku dhacayada ayaa ah mid koox waliba ay ku raadinayso isballaarin iyo dhoollatus awoodeed oo ay ku cabsi-gelinayso xubnaha ka tirsan haddii ay is ku dayaan in ay ka go’aan ama ku fekaraan in meel kale ay ka aadaan kooxda.

 

  1. Kooxda Al-shabaab ayaa billowgeedii ka billowday Goballada dhexe iyo koofurta Soomaliya, halka Daacish ay ka go’een Al-shabaabta Koofurta iyo kuwa Gobalka Bari halkaas oo hadda Saldhiga u ah.

Dhanka kale, khubara ka faallooda dhaq-dhaqaaqyada xarakaadka Islaamiga ah ayaa u arka in  Labada Urur ay ku loollamayaan in ay ka xajistaan mid waliba  mid kale Dhulka ama goobta uu joogo.

  1. Xoolaha xoogga looga qaadayo Shacabka masaakiinta ah ayaa ah wax yaabahii ugu weynaa ee keenay iska horimaadka Labada dhinac Bishaii November 2018.

 

  1. Al-Shabaab oo ka dhega adaygtay in ay ka leexdaan xubnaha Daacish ee ku sugan koonfurta Soomaliya , halka Al-shabaab ay u arkaan Daacish cadow raba in ay qiil-qiil geliyaan.

Dhibaatooyinka iyo cadaadisyada soo foodsaaray kooxahan

1- Labada kooxood ayaa ku jira difaac iyo cabsi mid-ba midka kale rabo in uu  soo afjaro.

2- Dagaallada ka dhanka ah Labada kooxood ee   ay wadaan ciidamada Dowladda Soomaliya ee ka socda Gobollada Dalka ayaa culays  ku noqday Laba Ururba.

3- Duqaymaha Cirka ee Ciidmada Mareykanka iyo Midowga Afrika oo saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa Ururdan ayaa sababay in ay aad u wiiqmaan awoodihii ay ku lahaayeen Dhulka ka baxsan Magaalooyinka.

4- Kacdoonka Dadweynaha ee ka soo horjeeda kooxaha xag-jirka ah ayaa qayb ka ah in ay yaraato awooddii ay ku maquunin jireen Dadka Shacabka ah eek u dhaqan meelaha ay ka arrimiyaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Degaanka XFS oo khudbad ka jeesiday madasha IOM ee Shirweynaha COP29

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeygalay shir-weynaha Caalamiga ah ee COP29

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, oo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la yeeshay Guddoomiyaha Baarlamaanka Ingiriiska

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Ku-Simaha Duqa Muqdisho oo tababar u faray Howlwadeenada Waaxda Canshuuraha

Ku-Simaha Duqa Muqdisho ahna Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda...