Madaxweyne Lafta Gareen”Madaxda Qaranka iyo Dhaqanka K/Galbeed ayaan la kaashanayaa xalinta tabashooyinka jira”

Date:

Baydhabo (SNTV) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareeen ayaa tan iyo markii loo doortay xilka madaxweyninimo ee Maamulka koonfur Galbeed waxaa uu waday howlo dib u heshiisiineed ee uu ka sameynayay Deegaanada maamulka.

Madaxweynaha oo kaashanayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFJS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo sugan magaaladda Baydhabo ayaa maalmahanba waxay la kulmayeen odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka deegaanada koonfur Galbeed iyagoo waxyaabaha ay ku guuleysteen ay ka mid yihiin in la sameeyo gudi ka socda Golaha odayaasha dhaqanka ee koonfur Galbeed.

Guddiga odayaasha ka socda ayaa Guddoomiyaha Golaha shacabka iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed u faah faahiyay xaalada guud ee koonfur Galbeed iyo shaqaaqooyinkii Baydhabo ka dhacay doorashadii dhacday ka hor.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kulan lagu soo Gaba-gabeynayo kulamadii socday ee dib u heshiisinta ahaa waxa uu la qaatay guud ahaan odayaasha dhaqanka ee deegaanada koonfur Galbeed,waxaana goobta ka hadlay qaar ka mid ah odayaashii Kulanka joogay oo sheegay in madaxweynaha ay kala shaqeyn doonaan xalinta wixii dhacay.

Mudane CabdiCasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa ugu horeyn odayaasha u sheegay in wixii dhib ah ee Baydhabo ka dhacay doorashiidiisii ka hor uu aad uga xunyahay uuna maamulkiisa ka shaqeyn doono sidii loo xalin lahaa wixii tabasho ah oo ay dadka deegaanadan qabaan.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Sidoo kale sheegay in isagoo kaashanaya Madaxda qaranka iyo waxgaradka Koonfur Galbeed uu ka shaqeyn doono xalinta wixii cabasho ah oo ay qabaan bulshada ku nool deegaanada koonfur Galbeed.

Mudane Lafta gareen ayaa 16-kii bisha xafladiisa caleema saarka ka sheegay in howsha ugu horeysa ee uu maamulkiisa qaban doono ay noqon doonto dib u heshiisin waarta oo ka dhaqan gasha deegaanada dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka...

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Calaamadaha iyo Astaamaha Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Digniin Adag Ka...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday 

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirka Iskaashiga...