Duqa Muqdisho oo Qoys Soomaaliyeed ku wareejiyey guri muddo ka maqnaa

Date:

Muqdisho (SNTV):- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo qoys Soomaaliyeed ku wareejiyey guri muddo ka maqnaa ayaa sheegay in Maamulka Gobolku ay ku guuleysteen soo celinta hanti muddo ka maqnayd muwaadiniin kala duwan.

Guddoomiyaha ayaa xafiiskiisa si wada jir ah ugu qaabilay labadii qoys ee loo kala celiyey guriga, isagoona ku bogaadiyey qoyskii horey u deganaa sida wanaagsan ay u wareejiyeen una soo dhaweeyeen walaalahooda lahaa mulkiyadda guriga.

“Waxaan idiin ka mahadcelinayaa sida aad isu cafiseen, una garawsateen muhiimadda ay leedahay walaaltinimada idin ka dhaxeysa ee aan dhammaanayn. Tallaabadan aad wada jirka u qaadeen waxa ay waji cusub u tahay xal u helista murannada dhulka iyo hantida maguurtada ah ee ka dhaca Gobolka Banaadir.”

Dhankooda, labada qoys ee loo kala celiyey guriga ayaa uga mahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir dadaalka joogtada ah ee ay ku bixiyeen xal u helista murankii ka dhaxeeyey iyo sida isfahanka iyo walaaltinnimada leh ee ay ku dhammaatay.

Kulanka waxaa goob joog ku ahaa Guddoomiyaha Degmada Shibis Marwo Safiyo Sheekh Cali oo degmadas uu ku yaallo guriga loo soo celiyey qoyskii mulkiyadda u lahaa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirrada Carabta iyo ANC oo Kulanka Xoojinta Iskaashiga ku yeeshay magaalada Pretoria

Magaalada Pretoria, Koonfur Afrika – Waxaa ka dhacay kulan...

Taliyaha Ciidanka XDS oo shir guddoomiyay kulanka subaxlaha ee Taliska guud ee XDS.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Boqol Qoys oo Abaartu saameysay oo raashin gargaar ah lagu gaarsiiyay Buurhakaba

Buurhakaba, Baay – Boqol qoys oo ka mid ah...

Wasaaradda Shaqada oo shaacisay Saacadaha Shaqada ee Bisha Ramadan

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya ayaa si rasmi...