Wasiirka Amniga XFS oo Ankara kula kulmay wasiirka arrimaha Gudaha Turkiga

Date:

Ankara (SNTV) Wafddi uu hoggaaminayo wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Abuukar Islow(Ducaalee) oo ku sugan magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga ayaa la kulmay wasiirka arrimaha gudaha dalkaasi Suleyman Soylu iyagoo ka wada hadlay arrimo badan oo ku saabsan xiriirka labada dhinaca.

“Waxaan xooga saaraynaa sidoo loo adkeyn lahaa xiriirka ka dhexeeya labada dal,iskaashiga dhanka horumarka arrimaha gargaarka bani’aadanimo iyo sugidda ammaanka”. Ayuu yiri wasiir Soylu.

Mas’uuliyiinta labada dhinaca ayaa muujiyay sida ay uga wada qanacsanyihiin oo ay u rumeysan yihiin heshiisyadii ay kala saxiixdeen labada dowlad Soomaaliya iyo Turkey sanadkii tagay ee 2018,waxaana wasiirka arrimaha gudaha Turkiga Mr Soylu uu sheegay in xiriirka Soomaaliya kala dhexeeyo uu ka weynyahay mid diplomaasiyadeed oo qura balse uu yahay mid saaxiibtinimo iyo walaaltinimo ku dhisan,wuxuuna xusay in taariikhda ay baal dahab ah ka geli doonaanan labada dhinaca.

Maxamed Abuukar Islow(Ducaal) Wasiirka arrimaha amniga XFS ayaa dhankiisa ka hadlay dowrka Turkiga ee garab istaaga Soomaaliya.

“Soomaaliya marnaba ma iloobayso caawinaadii iyo garab istaagii Turkiga ee arrimaha bani’aadanimada sanadkii 2011,waana dowladii ugu horeysay oo talaabadaasi qaado,ilaahay ayaana ka abaal marin doona kaalintooda”. Ayuu yiri wasiir Islow.

Wasiirka amniga Soomaaliya ayaa ku casuumay Wasiir Soylu in uu soo booqdo Soomaaliya,iyadoo uu aqbalay wasiirka arrimaha gudaha Turkiga casuumaadaasi.

Ugu dambeyn Wasiir Islow ayaa sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay in kaalinteeda ay ka soo baxdu hadii ay dhacdo in walaalaha Turkigu ay maalin u baahdaan caawinaad iyo garab istaag.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo ka qeybgalay munaasabad isugu jirtay soo-dhaweyn iyo sagootin Aas-aaska Ciidanka Booliska

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa Muqdisho ka Furay Shir Qaran oo Lagu Dardargelinayo Ka-Jawaabista Abaaraha Dalka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee...

Munaasabada xuska ciidanka Booliiska oo goordhow ka bilaaban doonta Muqdisho

Waxa maanta oo ah 20-ka bisha disember si weyn...