Danjiraha JFS ee dalka Suudaan oo booqday Safaaradda Jamhuuriyadda Kenya ee Khartoum

Date:

Khartoum (SNTV)-Jannaayo 16, 2018:Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Suudaan Mudane Cabdirisaaq Amed Sheekh Maxamed Shoole ayaa booqday Safaaradda Jamhuuriyadda Kenya ee magaalada Khartoum, si uu ugu gudbiyo dhambaalka tacsida ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay ka soo saartay weerarkii argagixiso ee ka dhacay Nairobi.

Danjire Shoole ayaa saxiixay diiwaanka tacsida ee Safaaradda Kenya ay ugu tala gashay dadkii ku nafwaayey weerarkii argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Nairobi 15kii bishan Jannaayo 2019, waxa uuna u gudbiyey labo dhambaal oo tacsi iyo garab istaag ah oo ka kala socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Safaaradda JFS ee magaalada Khartoum.

Safiirka Jamhuuriyadda Kenya ee dalka Suudaan Mudane Abrown Suge ayaa uga mahadceliyey Dowaladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed garab istaagga iyo u damqashada ay u muujiyeen shacabka iyo dowladda Kenya.

Labada Danjire ayaa iska xog waraystay xaaladda guud ee gobolka, danaha wada jirka ah ee ka dhaxeeya labada dal, khatarta argagixisada Alshabaab iyo muhiimadda ay leedahay in meel looga soo wada jeesto cadwagaan caqabadda ku ah horumarka Dalalka Geeska Afrika.

Booqashadaan ayaa waxaa Safiirka ku weheliyey Danjiraha dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti u fadhiya Suudaan Mudane Axmed Cali Barre.

Danjireyaasha Soomaaliya, Jabuuti iyo Kenya ee Khartoum ayaa hoosta ka xariiqay in aan argagixisanimada aysan gaar ku ahayn dad, dal iyo diin gaar ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Doorashooyinka oo laga Daah-furay degmada Galcad

Maamulka iyo shacabka magaalada Masagawaay ee degmada Galcad ayaa...

Ololaha todobaadka dhir beerista oo ka billaawday xarumaha dowladda

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee JFS, Maxamed Cabdi...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo qaabilay Xildhibaan Faarax Macallin iyo wafdi la socday

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed...