Wasiirka Amniga Xukuumada Federaalka Soomaalia oo Furay Shir looga hadlayo ka Hor-tagga Qaraxyada gacan ku sameyska ah

Date:

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Ducaalle ayaa maanta magaaladda Muqdisho ka furay Shir wada-tashi ah oo ku saabsan ka Hortagga Qaraxyada gacan ku sameyska ah.

Shirkan ayaa  ka qeyb galay Qaar kamid ah Saraakiisha Amniga, Masuuliyiin ka socday Wasaaradda Amniga gudaha XFS iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Ducaalle oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in la iska kaashado ka hortagga Qaraxyada Kooxda Alshabaab ay ku xasuuqaan dadka Shacabka ah, isaggoo isaggoo xusay in la dejin doono qorshe cad oo looga hortagayo Waxyaabaha Qarxa.

Sidoo kale Wasiirka Amniga Gudaha XFS ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in Ciidamada ammaanka ay kala shaqeeyaan ka hortagga Waxyaabaha qarxa, islamarkaana looga baahan yahay in  ay ku war geliyaan Ciidanka haddii ay arkaan dad ku howlan falal amniga lid ku ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa Muqdisho ka Furay Shir Qaran oo Lagu Dardargelinayo Ka-Jawaabista Abaaraha Dalka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee...

Munaasabada xuska ciidanka Booliiska oo goordhow ka bilaaban doonta Muqdisho

Waxa maanta oo ah 20-ka bisha disember si weyn...

Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar

20-ka disember waa astaan ka mid ah maalmaha qaran...