Madaxweyne Farmaajo oo ku Booriyay kooxaha Fanka inay ka qeyb qaataan Wacyigelinta Bulshada

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah kooxaha fanka isagoo ku baraarujiyay in ay kaalin firfircoon ka qaataan xoojinta wacyiga bulshada ee wadaniyadda iyo la dagaallanka afkaaraha qalloocan ee kooxaha argagixisada.

Abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf oo qeyb ka ahaa kulankan ayaa Madaxweynaha Soomaaliya uga mahad celiyay sida uu ahmiyad gaara u siiyay Fanka, isagoo sheegay in Dowlada ay heysato Fan Xoog badan

“Madaxweyne Fanka wuu kuu baahan yahay, Madaxweyne Fanaaniinta Soomaaliyeed way kuu baahan tahay, Fanaaniinta waxaa deeqa karaamo iyo sharaf, waa dad wadaniyiin ah hadii Wadani Soomaali ku jiro waa fanaaniinta Soomaaliyeed, waxaan kaa codsanayaa inaad isku badnaataan adiga iyo Faniinta”.ayuu yiri Abwaan Cabdi Dhuux.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka hadlay baahida kooxaha fanka, isagoo sheegay in wax badan ay Dowlada ka qaban doonto, wuxuuna uga mahad celiyay sida ay markasta ugu adeegayaan Qaranka oo uu sheegay inay ahmiyad gaara ugu fadhiyaan, wuxuuna ku booriyay kooxaha Fanka in ay qeyb weyn ka qaataan sidii dalka looga saari lahaa kooxaha Xagjirka ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kula dardaarmay Fanaaniinta inay badiyaan Heesaha ka tarjumaya Dal Jaceylka isagoo sheegay heesaha Shaqsiyaadka lagu amaano in aanay maanta qiimo badan ugu fadhin Dalka.

“Runtii shaqo fiican waad qabateen, waxaan jeclaan lahaa heesaha wadaniyada hala xoojiyo, heesaha shaqsiga lagu amaanayo iska dhaafa, shaqsiga wuxuu wax ku yahay Dalka, Dalka amaana, wadaniyada xoojiya, dowladnimada amaana, waxaa la rabaa in la amaano Qabka Soomaaliyeed iyo awooweyaasheen siday ahaan jireen”.ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Bishii October ee sanadkii tagay ayuu Madaxweyne Farmaajo dhagax dhigay dib u dhiska Tiyaatarka Qaranka oo aheyd Goobtii Kooxaha Fanka iyo Hidaha Dhaqanka ay Bulshada ugu gudbi jireen Dhambaalada ku aadan Wacyi galinta iyo Baraarujinta Bulshada.

 

   

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tababar ku saabsan qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran oo Muqdisho lagu qabtay

Tababar ku saabsan Qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran (Green Climate...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyey geerida Dr Cumar Aaden Cadde

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...