Xukun dil ah oo lagu fuliyay 2 dhagar qabe oo Alshabaab ka tirsanaa

Date:

Maxakamadda Ciidanka Qalabka Sida ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay labo dhagar qabe oo k atirsanaa Alshabaab,kuwaasi oo horey u dilay nabadoon can k ahaa magaalada Muqdisho.

Waxaa lagu eedeeyey C/araxmaan Ciise Cali iyo Xasan Cali Xasan in ay horey degmada Wadajir ugu dileen Hilowle Xeefow Xuseen,oo kamid ahaa nabadoona caanka ahaa ee degmadaasi ku dhaqan.

“Taariikhdu markey ahayd 3/8/2017,Maxkamada darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida waxay markii saddexaad u fariisatay dacwad ciqaabeedkii loo heystay eedeysanayaasha kala ah Xasan Cali Xasan Keerow 25-jir ah iyo Cabdiraxmaan Ciise Cali Fiidow 22-jir ah,kuwaasi oo xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida ku soo eedeeyay iney ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab una qaabilsanaayeen fulinta dilalka ay kooxdu qorsheyso,iyagoo si barer ah u dilay Marxuum nabadoon Hilowle Xeefow Xuseen taariikhdu markey ahayd 2/11/2016,dambigaasi oo ka dhacay degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir taariikhdu markey ahayd 22/8/2017,waxayna Labada eedeysane Maxkamada ku xukuntay dil toogasho ah,waxaana maanta oo ay taariikhda tahay 7/1/2019 lagu fuliyay dilkii toogashada ahaa,” ayuu yiri xeer ilaaliye ku-xigeenka Maxkamada Ciidamada qalabka sida Dhame Muumin Xuseen C/llaahi.

Goobta xukunka oo toogashada ay ka dhacaysay waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Maxakamadda Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed,kuwaasi oo sheegay in maxakamaddu ay heshey cadeymo muujinaya in ay gacan ku dhiiglayaal ahaayeen sidasi darteedna loogu fuliyay dilka.

Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ayaa dhowr jeer oo horey xukuno ugu fulisay dhagar qabayaal ka tirsanaa Alshabaab,waxaana u dambeeyey dhagar qabe dhawaan lagu toogtay Baydhabo,kadib markii lagu heley dembi ah in uu Sheekh caan ahaa dil u geystay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay Madasha Diblomaasiyadda ee ANTALYA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Istanbul kulan...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Shir-guddoomiyay Kulanka 28-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika

Washington, DC: Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi...

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo Muqdisho uga qeyb galay Bandhigga Farshaxanka Soomaaliya

Muqdisho, 16 April, 2026: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka...