Shir ku saabsan siyaasadda iyo sharciga waraabka Qaranka oo Muqdisho ka furmay

Date:

Muqdisho(SNTV) Shirkan looga hadlayay la tashiga Siyaasadda iyo Sharciga Waraabka Soomaaliya oo ay hormuud ka tahay wasaaradda Beeraha Soomaaliya ayaa Maanta ka furmay Magaalada Muqdisho,kaas oo socon doona muddo Laba Cisho ah.

Inta uu socdo shirkan, waxaa ka qeybgalaya mas’uuliyiinta wasaraadda Beeraha XFS, xubno ka kala socda hay’adaha Dowladda, iskaashitooyinka Beeraleyda iyo qaar kamid ah ganacsatada.

Kulankan ayuu ujeedkiisu yahay sidii looga talo bixin lahaa hirgelinta sharcigaasi oo in muddo ah ay ku howlaneed Wasaradda Beeralaha.

Waxaa lagu soobandhigay goobta,muuqaalo iyo warbixino ka tarjumaya muhiimadda dalka uu u leeyahay dhulbeereedka Soomaaliya oo lagu qayaasi 8.1 Milyen oo Hectares heerka lagu cabiro baaxadda dhuleed iyo wax soo saarkiisa,iyo baahiyaha loo qabo dayactirka webiyada dalka Mara, kalaanbiyoodyada, kafaaidaysiga xili roobaadka iyo sida looga gudbi karo caqabadaha yimaada marka biyo la’aan ay dhacdo.

Wasiirka Beeraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Siciid Xuseen Ciid oo ka hadlay furitaanka kulankan ayaa siweyn uga hadlay ahmiyadd asharcigan iyo yoolka ay hiigsanayso wasaaradda Beeraha Soomaaliya.

“Waxaa sharaf inoo ah in aan saka halkan u joogno furitaanka shirka ka doodista sharciga waraabka Soomaaliyeed oo in mudo ah soo socday oo gebo gebadisia kujirno,waraabku wuxuu ahmiyad u leeyahay beeraha haduu uusan jirin beeruhu majirin,wadankayna waxaa soo gaaray burbur xoogan,gaar ahaan kaabayaasha beeraha,taasi o ka imaanaysay fatahaadaha ama dayactir la’aant ain muddo ah haysatay,dowladda Soomaaliya,waxaaa ay xooga saaraysaa in muhiimad gaar ah la siiyo horumarka kaabiyaasha beeraha”. Ayuu yiri wasiir Ciid.

Sharciragn waraabka ayaa wadatashiyadiisa in muddo ah soo socday ,iyadoo sidoo kale la geeyey gobolada dalka,si bulshadu ay uga talabixiso iyo maamulada,waxaana uu maraya heer gebo gebo ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay...

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta...

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa...

Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...