Dowladda Soomaaliya oo wafdi u dirtay deegaanada ay colaad beeleedyada ka dhaceen

Date:

Muqdisho December 29 (SNTV):-Wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye iyo wafdi uu hoggaaminayo oo isugu jira labada Gole ee Dowladda Soomaaliya oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa galabta gaaray degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Ujeedka Wafdigan ka socda Dowladda Federaalka ayaa wuxuu yahay sidii ay u kala dhex geli lahaayeen beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya deegaanka Kaxandhaale ee Gobolka Galgaduud iyo deegaano hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Wafdiga uu wasiirka hoggaaminayo ayaa ku hormaraya degmada Gelisoor,iyagoona uga sii gudbayo deegaanka Kaxandhaale si ay u qeyb kaga qaataan joojinta colaadda halkaas ka taagan.

“ Arrinta galabta aan u socono waa colaadii ka dhacday dhinaca Gelinsoor,gaar ahaan ka dhacday agagaarka meesha la yiraahdo Kaxandhaale,soo noqodkeenna waxaan geli doonaa oo aan xal ka raadin doonaa labada beelood ee ku diriraya xuduudka Hiiraan iyo Galgaduud oo ciidanka Qaranka loo diray rajo weyna aan ka qabo iney kala dhex galaan labadaasi ciidan,” ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha oo warbaahinta la hadlay ka hor inta aysan wafdiga garoonka Aadan Cadde ka ambabixin.

Sidoo kale, Wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya gacan ka geysaneyso sidii dadka ku dhaawacmay dagaalka dhexmaray beelaha walaalaha ah u heli lahaayeen daryeel caafimaad lana soo qaadi doono,wuxuuna tacsi u diray ehalada dadkii ku geeriyooday dagaalada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa xil iska saaray nabadeynta beelaha colaada ku dhexmareyso deegaanada Galmudug iyo Hirshabeelle.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Ganacsiga XFS oo ka qayb galay shirka warshadaha Dalalka ku bahoobay EAC

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee...

Safiirka Soomaaliya u fadhin doona Yemen oo wasaaradda Arrimaha dibedda Yemen ka guddoontay warqadaha Aqoonsiga

Danjiraha JFS ee dalka Yemen Mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed...

Wasiir-dowlaha Beeraha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb-galay shirka IFAD

Wasiir-dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Mudane Asad Cabdirisaaq...

Wasiirka Qoyska XFS oo furtay Imtixaanka Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...