Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb-galay Xuska 75aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Date:

Muqdisho, Diseembar 20, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta ka qayb-galay xuska sannad guurada 75aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa hambalyo u diray saraakiisha, saraakiil-xigeennada, alifleyda, dableyda iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo qoysaskooda.

Madaxweynaha ayaa khudbad uu madasha ka jeediyey waxa uu kaga warbixiyey dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dib loogu xoojinayo laamaha ammaanka, iyadoona tayo iyo tiro ahaanba la kordhiyey Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

“Waxaan dooneynaa in aan qalabayno Ciidankeenna geesiyaasha ah oo aan siinno wax kasta oo ay u baahan yihiin si ay u gutaan waajibaadkooda, waxaa intaas dheer in aan xaqiijinno xuquuqdooda, haddii ay tahay mushaar, caafimaad iyo xuquuq kale. Geesiyaasha ina ka shahiidana annaga ayay masuuliyad naga saaran tahay nolosha carruurtoodu.”

Madaxweynaha oo la dardaarmayey Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa yiri: ““Waxaan idinka rabnaa in aad kasbataan shacabka, waxa keliya oo aad ku hanan kartaanna waa caddaaladda. Qofka dulman ee idiin yimaada waa in uu caddaalad idinka helaa, caddaaladduna idinka ayay idinka bilaabataa.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa salaan ka qaatay cutubyo kala duwan oo ka tirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, kuwaas oo gaardis ku maray garoonka kubadda cagta ee Banaadir oo lagu qabtay munaasabadda xuska sannad guurada 75aad ee aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Sidoo kale, kooxaha baambeyda, isboortiga, baarista dambiyada, ka hortagga qaraxyada, fannaaniinta iyo agoonta Booliiska ayaa dhoolatusyo kala duwan soo bandhigay intii ay munaasabaddu socotay.

Munaasabaddan waxaa ka qayb-galay Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaaashi Cabdullaahi, Xubno ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed, Taliyaha Ciidanka Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, saraakiisha iyo dhammaan Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, diblumaasiyiin ka socday safaaradaha kala duwan ee dalka iyo kumannaan ka mid ah shacabka Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

DF oo shacabka Soomaaliyeed ku wargelisay inuu dalka galayo marxalad Doorasho loo dhan yahay

Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiistinta ee (DFS) waxay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, oo Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda Cagta ayaa maanta...

Danjire Cabdikarin Axmed oo warqadihii aqoonsiga u gudbiyay Madaxda Finland

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden Cabdikarin Axmed Maxamed...