Madaxweyne Farmaajo oo Shacabka Caasimadda uga Mahadceliyay Soo Dhaweynta Wafdigii Eriteriya iyo Dulqaadka ay Muujiyeen

Date:

Muqdisho (SNTV):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad celiyey shacabka ku dhaqan Caasimadda sida ay uga qeyb qaateen soo dhaweynta iyo marti soorka wafdi-Madaxeedkii dalka aan walaalaha nahay ee Ereteriya oo booqasho ku yimid dalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay muujiyen awoodda ay u leeyihiin in ay casuumaado rasmi ah oo maalma qaata ay ku maamuusaan Madaxda dalalka caalamka, gaar ahaan dalalka aan dan wadaagta nahay, taas oo bud dhig u ah xiriirka iskaashi iyo midka diblumaasiyadeed.

“Waxaan ku bogaadinayaa bulshada Caasimadda sida ay ula shaqeeyeen laamaha ammaanka iyo in ay u dulqaateen culeysyada dhanka isu socodka iyo ganacsiga labadii maalmood ee ay martidu nala joogtay.”

SIdoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ku ammaanay Ciidamada Qalabka Sida, Saraakiisha, Saraakiil Xigeennada iyo guud ahaan cutubyadii u taagnaa maalmahan xaqiijinta amniga wafdi Madaxeedka Dalka Ereteriya, isagoona faray in ay sii laba laabaan dadaalka joogtada ah ee ay ugu jiraan ilaalinta amniga muwaadiniinta Soomaaliyeed.

“Ciidankeenna geesiyaasha ah ee maalin iyo habeen u taagan ilaalinta dhulka, nafta iyo hantida shacabka Soomaaliyeed waxaan farayaa in ay halkaas ka sii wadaan dadaalkooda, kana hortagaan fal kasta oo argagixisada Al Shabaab ay ku dhibaataynayaan shacabka iyo maqaamka dalkeenna.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Goleyaasha kale ee Dowladda, Culummada, Ururrada Bulshada Rayidka ah, Haweenka, Dhallinyarada iyo hobollada Qaranka kaalinta ay ka qaateen in ay guul ku soo dhammaato marti gelinta wafdiga dalka aan walaalaha nahay ee Ereteriya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...