Maraykanka oo Xoojinaya Xiriirka Dibolomaasiyadda ee Soomaaliya

Date:

Muqdisho, December 5, 2018 (SNTV)-Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in ay xoojineyso xiriirka diiblamaasi,isla markaana ay dardargalineyso howlaha safaaradeed ee ay ku leedahay dalka Soomaaliya.
Heather Nauert oo u hadashay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa tallaabadasi ku tilmaantay mid taariikhi ah waxaana ay sheegtay in ay ka turjumeysa horumarka Soomaaliya.
Warkaan oo ka soo baxay waaxda Arrimaha Dbadda ayaa lagu sheegay in tallaabada uu Mareykanka qaaday ay ka dhigan tahay sida Mareykanka uu u doonayo xoojinta xasiloonida, dimuquraadiyadda iyo horumarka dhaqaale ee danta u ah labada dal.
Safiirka cusub ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa durbaba ka hawlgalaya safaaradda Mareykanka ee Muqdisho,waxaana la xaqiijiyay in Mareykanku uu dib u soo celinaayo isla markaana uu joogteyn doono cilaaqaadkii dibolomaasi .
Mareykanka ayaa sannadkii 2013-kii si rasmi ah u aqoonsaday Dowladda Soomaaliya, balse safaaraddiisa Soomaaliya ayuu xarun uga dhigay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Tallaabadaan ayaa noqoneysa markii koowaad muddo ku dhow sodon sano oo safaaradda Mareykanka ay ka howlgasho Muqdisho, sida lagu sheegay war saxafadeed ay soo saartay Waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa Muqdisho ka Furay Shir Qaran oo Lagu Dardargelinayo Ka-Jawaabista Abaaraha Dalka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee...

Munaasabada xuska ciidanka Booliiska oo goordhow ka bilaaban doonta Muqdisho

Waxa maanta oo ah 20-ka bisha disember si weyn...

Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar

20-ka disember waa astaan ka mid ah maalmaha qaran...