Muqdisho December 3 (SNTV):-Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa tababar u soo xiray curubyo ciidan oo ka tirsan Militariga.
Cutubyadan oo tirsan ururuka 53-aad ee guutada 14-ka October ayaa islamaanta la qalabeeyey si ay ugu biiraan hawlgallada ka dhanka ahmaleeshiyada Al-shabaab ee gobollada dalka ka socda.
Taliyaha ciidanka xogga dalka Sareeye/Gaas Daahir Aadan Cilmi (IndhaQarshe) oo warbaahinta qaranka la hadlay sheegay in ciidanka xooggadalka ay diyaar u yihiin in ay waajibadkooda qaran gutaan, Wuxuunadhinaca kale ka warbixiyey howlgalo is daba jooga oo ay ciidamadaxoogga wadaan iyo kuwa hada la tababaray goobaha ay ka howlgelidoonaan
Dhinaca kale taliyaha ayaa kooxaha nabadiidka ah u diray digniin ah inay ka waantoobaan dhibaatada ay shacabka ku hayaan, hadii arintaas ayka dhaga adeegaan ay ciidanka xogga kala kulmi doonaan cawaaqib xumo
Ciidamada xogga dalka ayaa wada howlgalo is daba jooga ah oo ay kuwiiqayaan awoodda kooxaha nabadiidka ah oo dhibaato badan ku hayashacabka soomaaliyeed.