Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee Maraykanka

Date:

Muqdisho November 17 (SNTV):-โ€ชMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee dowladda Maraykanku u soo magcawday Soomaaliya Mudane Donald Yukio Yamamoto.

Danjiraha sucub mudane Yamamoto ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka uga mahadceliyey ka guddoomidda waraaqaha aqoonsiga, isaga oo sheegay in dowladda Maraykanku ay Soomaaliya ka caawin doonto dhinacyada horumarka, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhankiisa danjiraha cusub u mahadceliyey, isaga oo ku soo dhaweeyey Soomaaliya, una ballan qaaday in dowladda Soomaaliya ay la shaqayn doonto.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale