Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Daahir Maxamuud Geelle ayaa ka qeyb galay shir caalami ah oo looga hadlayay ย mustaqbalka warbaahinta ย oo lagu qabtay ย magaalada Istanbul ee dalka Turkey.
Shirkan oo ay soo abaabushay hayโadda IFTV ka shaqeysay arrimaha Warbaahinta iyo Dhaqanka ayay ka soo qeyb galeen wasiirro, madax warbaahineed iyo hayโado caalami ah oo dhanka warbaahinta ka shaqeeya.
WasiirkaWarfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska oo hadal ka jeediyay furtaankii shirka, ayaa sheegay in warbaahinta caalamku ay sanadihii u dambeeyay sameysay horumar dhinacyo badan, gaar ahaan dhanka farsamada iyo teknolojiyada loo adeegsado warbaahinta.
Soomaaliyavayuu wasiirku sheegay ay ka jirto warbaahinย macno leh oo soo koreysa iyo xorriyatul qowl uu damaanad qaadayo sharciga saxaafaddaย ee dalku leeyahay.
Wasiir Geelle ayaa tilmaamay in saxafiyiinta Soomaaliyeed ay haystaan caqabado dhowr ah oo ay ka mid yihiin beegsiga kooxaha argagixisada ah oo doonaya in ay aamusiyaan, dhowrkii sano ee la soo dhaafayna dilay wariyeyaal badan oo dalka qiime weyn ugu fadhiyay.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in saxaafadda Soomaaliyeed ay leedahay mustaqbal wanaagsan, ayna u baahan tahay in laga taageero dhanka tababarrada iyo qalabkaba, maadaama ay ku shaqeeyaan xaalado aad u adag.
Wasiirka ayaa ugu baaqay hayโadaha caalamiga ah iyo shirkadaha warbaahinta ka shaqeeya inay xiriirย dhow la yeeshaan hayโadaha warbaahineed ee Soomaaliya ka jira.
Waxa uu intaas ku daray in suuqa warbaahinta Soomaaliya uu yahay mid soo koraya oo la maal gashan karo.
Wasiirka iyo wafdiga weliya ayaa booqday xarumo warbaahineed oo ku yaallaTurkey oo ay ka mid yihiniin TRT iyoย CNN TURK.
Shirkan caalamiga ah oo socday labo maalmood ayaa galabta laguย soo gabagabeeyay Istanbul.
