Wasiir Geelle oo shir caalami ah uga qeyb galay Istanbul

Date:

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Daahir Maxamuud Geelle ayaa ka qeyb galay shir caalami ah oo looga hadlayay  mustaqbalka warbaahinta  oo lagu qabtay  magaalada Istanbul ee dalka Turkey.

Shirkan oo ay soo abaabushay hay’adda IFTV ka shaqeysay arrimaha Warbaahinta iyo Dhaqanka ayay ka soo qeyb galeen wasiirro, madax warbaahineed iyo hay’ado caalami ah oo dhanka warbaahinta ka shaqeeya.

WasiirkaWarfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska oo hadal ka jeediyay furtaankii shirka, ayaa sheegay in warbaahinta caalamku ay sanadihii u dambeeyay sameysay horumar dhinacyo badan, gaar ahaan dhanka farsamada iyo teknolojiyada loo adeegsado warbaahinta.

Soomaaliyavayuu wasiirku sheegay ay ka jirto warbaahin  macno leh oo soo koreysa iyo xorriyatul qowl uu damaanad qaadayo sharciga saxaafadda ee dalku leeyahay.

Wasiir Geelle ayaa tilmaamay in saxafiyiinta Soomaaliyeed ay haystaan caqabado dhowr ah oo ay ka mid yihiin beegsiga kooxaha argagixisada ah oo doonaya in ay aamusiyaan, dhowrkii sano ee la soo dhaafayna dilay wariyeyaal badan oo dalka qiime weyn ugu fadhiyay.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in saxaafadda Soomaaliyeed ay leedahay mustaqbal wanaagsan, ayna u baahan tahay in laga taageero dhanka tababarrada iyo qalabkaba, maadaama ay ku shaqeeyaan xaalado aad u adag.

Wasiirka ayaa ugu baaqay hay’adaha caalamiga ah iyo shirkadaha warbaahinta ka shaqeeya inay xiriir dhow la yeeshaan hay’adaha warbaahineed ee Soomaaliya ka jira.

Waxa uu intaas ku daray in suuqa warbaahinta Soomaaliya uu yahay mid soo koraya oo la maal gashan karo.

Wasiirka iyo wafdiga weliya ayaa booqday xarumo warbaahineed oo ku yaallaTurkey oo ay ka mid yihiniin TRT iyo  CNN TURK.

Shirkan caalamiga ah oo socday labo maalmood ayaa galabta lagu  soo gabagabeeyay Istanbul.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) S/Guuto Ibrahim Mohamed...

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay...

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta...