Wasiirada Maaliyadda iyo Gaashaandhigga Soomaaliya oo ka wada hadlay qorshayaal muhiim u ah horumarinta Ciidanka Xoogga Dalka.

Date:

Muqdisho (SNTV) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa xafiiskiisa kulan gaar ah kula qaatay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xassan Cali Maxamed.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay dhameystirka qorshaha Diiwaan galinta (paymetric) Ciidamada Xoogga Dalka oo hada meel wanaagsan maraya.

“Saaka waxa aan xafiiskayga kula kulmay Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Cali Maxamed oo aan ka wada hadalnay horumarka maamulka maaliyadda iyo amaanka Dalkeena iyo dhameystirka qorshaha paymetric, Dhamaan waa in aan ka wada tashanaa sidii aan u wada dhisan lahayn Dalkeena” ayuu yiri Dr Bayle.

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Gaashaandhigga ayaa mudooyinkii la soo dhaafay waday qorshe ay ciidamada Xoogga Mushaarkooda ku qaadanayaan Account xisaabeedkooda gaarka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...

Guddoomiyaha BFS oo dhambaal hambalyo ah ka helay Guddoomiyaha Golaha Shuurada ee Boqortooyada Baxrayn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay xuska 15 guurada dib u curashada xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...