Madaxweynaha Soomaaliya oo goor-dhow gaaray Ethiopia

Date:

Muqdisho-(SNTV)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya , Mudane Maxamed C/llaahi farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor-dhow gaaray Magaalada Gondar, halkaas oo ay ugu sii gudbi doonaan Magaalada Bahr Dar ee isla Dalka Ethiopia.

Mudane, Farmaajo, ayaa halkaasi kaga qayb geli doona shir Saddex Geesood ah oo uu la qaadan doona Ra’iisul wasaaraha Dalka Ethipia Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Dalka Eretrea, Isaias Afwerki.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa qayb ka ah, Wasiiru Dowlaha arrimaha Dibedda Soomaaliya, C/qaadir Axmed Khayr Cabdi, Safiirka Soomaaliya u jooga Ethiopia, Cali Shariif Axmed iyo la taliyeyaal sare, sida uu SONNA u sheegay , Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta, Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Abdinur Maxamed Axmed.

Kulankan Saddex geesoodka ah ayaa looga hadli doonaa dhammaystirka heshiiskii ku saabsanaa isku xirka dhaqaalaha Waddamada Gobolka oo Laba Bilood ka hor ka dhacay Magaalada Asmara ee Caasimadda Dalka Eretrea.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xuska maalinta macalinka Soomaaliyeed oo ka socda Tuulada ciyaaraha Muqdisho

Munaasabada Maalinta Macalinka Soomaaliyeed ayaa saaka si weyn loogu...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kaga qaybgalay Brussels Madasha Afaraad ee heer Wasiir ee Midowga Yurub

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qaybgalay Madasha Indo-Pacific ee Brussels.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kaga qaybgalay Brussels Madasha...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray macalimiinta Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud...