Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya oo Howlgalo balaaran ka wada Gobalka Hiiraan

Date:

Baladweyne (SNTV) Wararka ka imaanaya gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ay howlgalo xoogan ay ka wadaan deegaano ku yaala inta u dhaxaysa degmooyinka Jalalaqsi iyo Buula-Burde.

Mid ka mid ah saraakiisha ciidanka xoogga dalka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka  Soomaaliya ayaa sheegay inta ay socdeen howlgaladaan lagu soo qabtay ilaa iyo Shan qof oo lala xariirinayo inay ka tirsanyihiin Al-Shabaab.

Sidoo kale Sargaalkaan ayaa sheegay in howlgaladaan haatan ay wali socdaan isla markaana qorshuhu uu yahay in Shacabka laga duqlqaado dhibaatooyinka ay Al-Shabaab ku haayaan shacabka.

Dhowaan ayay ahayd markii ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ee ka howlgala Gobalka Hiiraan howlgalo ay ka sameeyeen deegaanada qaar ay ku laayeen maleeshiyaad badan oo ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Qoyska oo xafiiskeeda ku qaabishay hooyada dhashay ardaygii kaalinta 1-aad ka galay Imtixaanka Dugsiyada Sare.

Wasiirka Qoyska oo xafiiskeeda ku qaabishay hooyada dhashay ardaygii...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO SHIR GUDDOOMIYEY KULANKA GUUD EE GOLAHA SHACABKA.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Ciidanka Xoogga oo Fashiliyey Weerar Argagixisadu Saaka ku Qaadday Baydhabo

17- Aug Taliska Ciidanka XDS ayaa fashiliyay weerar ay...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...