Ra’iisul Wasaare Kheyre oo furay Shirka kooxda xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka

Date:

Muqdisho (SNTV) Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa daah-furay kulanka Muqdisho uga billaabmay kooxda xariirka Soomaaliya ee ururka Iskaashiga Islaamka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in shirka maanta ee ururka Iskaashiga Islaamka uu astaan u yahay in Soomaaliya oo kamid ah dalalkii aasaasay ay kusoo laabatay fagaaraha iyada oo xal u raadinaysa dhibaatooyinka caalamka ka jira.

Dhammaan mas’uuliyiinta kulanka ka hadlay ayaa bogaadiyay horumarka ay Soomaaliya ku tillaabsatay ee horumuudka u noqotay in shirkaan lagu qabto Muqdisho.

Shirkan ayaa diirradda lagu saarayaa sidii loo xoojin lahaa xasilloonida ka jirta Soomaaliya oo ka soo kabanaysa Sanado badan oo ay xaalado amni xumo ka jireen iyo taageerada Soomaaliya.

Hoolka uu ka socdo shirka waxaa ku sugan madax kala duwan oo Muqdisho u yimid ka qeyb galka shiraan.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Sudan,  Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda dowladda Qatar, Sultan bin Saad Al Muraikhi Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Kuwait iyo Mas’uuliyiin ka kala socota Azerbaijan iyo Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa kamid ah Madaxda ka qeyb-galaysa shirkan.

Ururka Iskaashiga islaamka oo ah ururka labaad ee ugu wayn dunida oo ay ku midaysanyihii 57 dowladood ayaa lagu aasaasay dalka Marooko September 25, 1969

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Beeraha XFS oo ka qeybgalay Madasha Wasiiradda Beeraha adduunka.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS, Maxamed Cabdi Xayir...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS qeybgalay shir heer Wasiirro ah oo dalalka IGAD.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo booqday Dekadda caalamiga ah ee Tanger.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing.

1- President Hassan Sheikh Mohamud opened the 3rd Congress...