Ra’iisul Wasaare Kheyre oo furay Shirka kooxda xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka

Date:

Muqdisho (SNTV) Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa daah-furay kulanka Muqdisho uga billaabmay kooxda xariirka Soomaaliya ee ururka Iskaashiga Islaamka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in shirka maanta ee ururka Iskaashiga Islaamka uu astaan u yahay in Soomaaliya oo kamid ah dalalkii aasaasay ay kusoo laabatay fagaaraha iyada oo xal u raadinaysa dhibaatooyinka caalamka ka jira.

Dhammaan mas’uuliyiinta kulanka ka hadlay ayaa bogaadiyay horumarka ay Soomaaliya ku tillaabsatay ee horumuudka u noqotay in shirkaan lagu qabto Muqdisho.

Shirkan ayaa diirradda lagu saarayaa sidii loo xoojin lahaa xasilloonida ka jirta Soomaaliya oo ka soo kabanaysa Sanado badan oo ay xaalado amni xumo ka jireen iyo taageerada Soomaaliya.

Hoolka uu ka socdo shirka waxaa ku sugan madax kala duwan oo Muqdisho u yimid ka qeyb galka shiraan.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Sudan,  Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda dowladda Qatar, Sultan bin Saad Al Muraikhi Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Kuwait iyo Mas’uuliyiin ka kala socota Azerbaijan iyo Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa kamid ah Madaxda ka qeyb-galaysa shirkan.

Ururka Iskaashiga islaamka oo ah ururka labaad ee ugu wayn dunida oo ay ku midaysanyihii 57 dowladood ayaa lagu aasaasay dalka Marooko September 25, 1969

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tartanka Sanadlaha Heer Qaran ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka oo ka furmay Muqdisho 

Waxaa si rasmi ah u furmay Tartanka Sanadlaha Heer...

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Galmudug oo ku baaqay in Sakada la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Dowlad Goboleedka Galmudug, Sheekh Muxudiin Yuusuf...

Soomaaliya iyo Turkiga oo Ankara ku yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga Warbaahinta

Ankara, 25 Febraayo 2026: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Wasiirro shir Jaraa’id ay qabteen uga hadlay Baadda Khawaarijtu ka qaaddo Shacabka

Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shir...