Madaxweynaha Suudaan oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoomay Safiirka Soomaaliya

Date:

Kahrtoum (SNTV) Madaxweynaha Dalka Suudaan Mudane Cumar Xasan Al-bashiir ayaa maanta oo Isniin ah Warqadaha Aqoonsiga Danjirnimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doono Suudaan Mudane Cabdi Risaaq Axmed Shoole.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibeda ee Dalka Suudaan Usama Feysal ayaa sheegay in Madaxweyne Al Bashiir uu adkeeyay rabitaanka Suudaan ee iskaashi dhex mara Dowladaha Soomaaliya iyo Dalkiisa oo dhan walba ah, isagoo sheegay in Madaxweyne Al-Bashiir uu balanqaaday in Dowlada Suudaan ay safiirka ka gacan siineyso sidii uu u gudan lahaa Howlaha loosoo igmaday.

Mudane Cabdi Risaaq Axmed Shoole Safiirka Soomaaliya ee Suudaan ayaa dhankiisa sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii kor loogu qaadi lahaa Xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Suudaan, isagoo u mahad celiyay Madaxweyne Al Bashiir iyo Shacabka Suudaan sida wanaagan ay usoo dhaweeyeen.

Dhinaca kale Madaxweyne Al Bashiir ayaa isla maanta Warqadaha aqoonsi ka guddoomay Safiirada Dalalka Malaysia, Spain, Sri-lanka iyo Croatia.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Safiir Soomaaliya u magacowday Kirgistaan oo gudbiyey waraaqaha aqoonsiga

Danjire Fatxudiin Cali Ospite ayaa maanta si rasmi ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay xarunta dhaxe ee Wasaaradda Tamarta 

Muqdisho, Talaado, 21 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhigii ugu Guddiga Fulina Hay’adda UN-Habitat

Kalfadhigii ugu horreeyay ee Guddiga Fulinta ee UN-Habitat ee...