Duqa Muqdisho oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Cusub ee QM u qaabilsan Soomaaliya

Date:

Muqdisho October 16 (SNTV):-Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa ku soo dhoweeyey xarunta Dawladda Hoose ee Muqdisho madaxa hawlgalka ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Haysom oo dhowaan dalka soo gaaray.

Kulan muhiim ah oo labada dhinac wada yeesheen kadib, ayuu Duqa Muqdisho tilmaamay in ergaygan cusub ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ay isla soo qaadeen adkeynta xiriirka ka dhaxeeya, arrimaha Siyaasadda iyo horumarada la gaaray siddeedii bilood ee la soo dhaafay ee xilka uu hayay maamulkiisu.

โ€œQaramada Midoobey waxa ay Soomaaliya ka caawisaa arrimo badan, maamulka Gobolka Banaadir-na wuxuu adkeeyey xiriirka aan la leenahay hayโ€™adaha kala duwan ee QM. Wakiil Haysom waxaan isla soo qaadnay xoojinta xiriirka naga dhaxeeya ee arrimaha Siyaasadda, horumarka Caasimadda iyo kaalinta uga aadanโ€.

Duqa Muqdisho Eng. Yarisow ayaa ugu hambalyeeyey masuuliyadan cusub iyo waajibaadka culus ee horyaala, isla markaana waxuu ku celiyey in maamulkiisu uu diyaar u yahay wax walba oo gacan ka geysanaya horumarka iyo dib-u-dhiska dalka.

Dhinaciisana, wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa ka mahadceliyey soo dhoweynta diiran ee ee uu ka helay Duqa Muqdisho, kuna ammaanay doorkiisa hogaamineed ee horumarka caasimada ka jira. Waxaana wakiilku cadeeyay in UNSOM ay noqon doonto mid u adeegta danaha guud ee bulshada Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...