Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo ka qeyb-galay munaasabad uu xilka kula wareegayey Taliyaha cusub ee Ururka 60

Date:

Muqdisho September 29 (SNTV):- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka  Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa maanta ka qeyb-galay Munaasabad uu xilka kula wareegayey taliyaha cusub ee loo magacabay Ururka  60-aad  ee ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya taas oo lagu qabtay xarunta taliska Ururka 60-aaad ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa la hadlay saraakiisha, saraakiil,xigeenada, allifleyda iyo dableyda Ururka 60-aad ee ciidanka ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya, isagoona ku ammaanay shaqada ay u hayaan Bulshada iyo madaxda Dalka.

“Ururkaan waxaa uu kamid yahay ururada ugu fiican Ciidanka Xoogga Dalka, waxaan rabaa in miisaanka aad leedihiin aad sii muujisaan, waana idinku amaanayaa howshiina”ayuu yiri taliyaha

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo magacawday Guddiga Farsamada ee Wada-hadalka iyo Dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS...

Madaxweynaha JFS oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay isimada Puntland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shirka Arrimaha Bariga Afrika

Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee ka qeybgalay...

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Ruushka oo Waraaqaha Aqoonsiga u Gudbiyay Madaxweynaha Belarus

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Ruushka, ahna...