Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland oo Kormeeray Xarumaha Puntland ee Magaalada Boosaaso

Date:

Muqdisho (SNTV)- Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 24 Sep 2018 kormeeray xarumaha Maamulka ee magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa kormeerkiisa ku wehelinayey masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda, maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dolwadda Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa kormeerkiisa ka bilaabay xarunta Dowladda Hoose ee degmada Boosaaso, waxaana uu Madaxweynuhu halkaasi kulan isbarasho la qaatay golaha degaanka degmada Boosaaso oo kalfadhi aan caadi ahayn u furmay maanta.

Madaxweynaha oo la daardaarmay golha cusub ee degaanka degmada Boosaaso ayaa ku booriyey masuuliyiinta golaha degaanka inay dardar geliyaan kor uqaadida bilicda magaalada iyo sidii loo horumarin lahaa magaalada.

“Waan ka mahad naqayaa martiqaadkan inaan idiin imaado golaha deeganka ee cusub ee magaalada Boosaaso waana ku mahadsan yahay meeyarku inuu igu martiqaado inaan idinla dardaarmo maadaama aad cusub tihiin, inkastoo aan rajeynayo inaad qaar kiin tihiin kuwii hore, waxaa lagu jiraa wakhti xaasaasiya oo la idinkaga fadhiyo waxqabad badan, magaaladan waa caasumada ganacsiga Puntland, Puntland waa Boosaaso, Boosaaso hadaysan jirina Puntland ma jirteen, Boosaaso hadaysan amni noqona Puntland amni noqonmayso, waxaa loo baahan yahay in maskaxdiina ku duxdo in masuuliyad idinka saaran tahay Boosaaso” ayuu yiri MadaxweynahaPuntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Sidoo kale madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland ayaa kormeerkiisa ku tagay xarunta Gobolka Barri ee Magaaladda Boosaaso isla’markaana madaxweynaha ayaa kormeeray xafiisayada xarunta gobolka Barri oo ay kasocoto shaqada maalin laha ah ee Gobolku, iyadoona madaxweynuhu kulan laqaatay maamulka Gobolka Barri.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa booqday xarunta saldhiga dhexe ee magaalada Boosaaso oo dhisme ku socdo, waxaana madaxweynaha warbixin kasiiyay qaabka dhismaha saldhiga uu u socodo Duqa Degmada Boosaaso iyo taliyaha saldhiga dhexe ee Boosaaso, isla’marahaantaana madaxweyanaha ayaa sheegay in saldhigan uu yahay saldhig loo dhisay qaab casriya uuna noqonayo kan ugu fiican Puntland, loona baahan yahay in la dardar geliyo shaqadiisa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Booliiska oo la kulmay Guddiga saxidda Imtixaanka Layli Sarkaalnimo

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan ayaa ku heshiiyay...

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...