Hogaamiyayaasha Eritrea iyo Jabuuti oo kulan taarikhi ku yeeshay waddanka Sacuudiga

Date:

Muqdisho September 18 (SNTV):-Magaalada Jidda ee dalka Sacuudiga waxaa ku kulmay madaxweynayaasha Jabuuti iyo Eritrea, waa bog cusub oo lagu hormarinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka, sidaas waxaa yiri wasiirka arrimaha dibedda Sacuudiga , Adel bin Ahmed Al-Jubeir.

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa la kulmay dhiggiisa Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle kuwaasoo hadda ku sugan waddanka Sacuudi Carabiya, sida lagu sheegay warbixin ay qortay wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA.

Waddamada Khaliijka ayaa aqoonsaday dedaaladda ay sameeyeen waddamada gobalka sida Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka soo shaqeeyay in heshiiyaan madaxda waddamadan.

Xiriirka caadiga ee Jabuuti iyo Eritrea, ayaa soo laabtay kaddib labo toddobaad ka hor markii wafdi ka socda wasiirada arrimaha dibadda Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ay tageen Jabuuti iyagoo halkaas ka billaabay wadahadallo lagu xallinayo khilaafaaka xuduudaha .

Sucuudiga ayaa soo dhaweeyay dedaalada u billowday labada waddan.

Weriye ka tirsan BBC-da oo ka faalooda arrimaha gobalka ayaa sheegaya in Saxansaxo nabadeed ay ka muuqato gobalka taasoo uu sabab u yahay ra’iisal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed oo heshiis la galay dalka ay dariska yihiin ee Eritrea dabadeedna nabaddaas u gudubtay waddanka Jabuuti, maadama labada waddan ay isku heesteen jasiiradda Dumeyra oo Jabuuti sheegatay in si sharci-darro ah ku haysto Eritrea.

Boqorka dalka Sacuudiga Salmaan bin Cabdalcasiis ayaa fidiyay gogosha ay ku wada hadleen madaxweynayaasha Jabuuti iyo Eritrea.

Inkastoo Jabuuti ay ka codsatay Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika inay ‘fudaydiyaan heshiiska labada dal, haddana madaxweyne Geelle ayaa Talaadadii sheegay in waddankiisu uu had iyo jeer u diyaar la yahay in la xalliyo khilaafka.

In kastoo la sheegin heshiis rasmi ah oo gaareen madaxda Jabuuti iyo Eritrea haddana kulankooda waxa uu horseed u noqon doonaa nabad waarta oo geeska Afrika ka hirgasha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha oo guddoomiye cusub u magacaabay Jaamacadda Ummadda

Madaxwayanha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...

Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Shaqaalaha kala hadlay dar-dargelinta howlaha shaqo ee Qaranka

Maareeyaha Guud ee Dekedda Caalamiga ah ee Muqdisho, Mudane...

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhaqaalaha labada dal

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xarigga ka jaray garoonka diyaaradaha degmada Buurhakaba

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan...