Xaflad Dhaarin ah oo Maanta ka dhacday Xaruunta Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Banaadir

Date:

Muqdisho-(SNTV)- Waxaa Maanta oo Khamiis ah Munaasabad ka dhacday Xarunta Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Banaadir lagu dhaariyayย  Garsoorayaasha iyo Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Degmooyinka oo dhawaan is ku shaandhayn lagu sameeyay.

Munaasabaddan ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Maxakamadda Sare ee Dalka, Wasiirka Caddaaladda,hanti-dhowrka guud ee Qaranka, Xisaabiyaha guud ee Dowladda, Taliyaha Ciidanka Asluubta , ku simaha Taliyaha Ciidanka Booliska, kusimaha Xeer- Ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo Dhammaan howl-wadeennada Caddaaladda.

Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Banaadir Garyaqaan , Abshir Cumar Cabdullaahi oo dhaariyay xubnihii xilka ku kala wareegayay ayaa kula dardaarmay in ay Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed ugu adeegaan si daacad ah.

Sidoo kaleย  Guddoomiyaha Maxakamadda Sare ee Dalka Garyaqaan, Baashe Yuusuf Axmedย  ayaa xarigga ka jaray Xafiisyo cusub oo ay yeelan doonaan waaxaha Maxakamadda Rafcaanka Gobolka Gobolka Banaadir iyo Maxakamada Gobolka Banaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...