Maamulka Gobolka Banaadir oo dib-u-dhisaya Masjidkii iyo Dugsi Quraankii Alshabaab qarxiyeen

Date:

Muqdisho(SNTV);–  Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta dhagax-dhigay Masaajidkii iyo Dugsi Quraanka Degmada Hawlwadaag ee dhowaan ay qarxiyeen dhagar qabayaasha argagaxisada Alshabaab.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in goobahan cibaadada ee ay beegsadeen argagixisadu lagu dhisayo barnaamijka Isxilqaan ee uu dhaqan geliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo).

Mudane Yarisow ayaa tilmaamay in nabad-diidku ay isku dayayaan inay dib-u-celiyaan Caasimadda, balse aanay taasi marnaba dhici doonin, maadaama shacabka Soomaaliyeed u taagan yahay horumarka iyo difaaca dalkooda.

“Carruurtii dhiganaysay dugsi Quraankan oo qaar ka mid asxaabtoodu ay ku naf-waayeen weerarkan bahalnimada ah, waxa ay isla maalintii xigtay qaraxa, dhexda u xirteen in ay dib u hagaajiyeen dugsigooda, waana farriin muujinaysay in aan argagixisadu is-hor-istaagi karin hiigsiga iyo himilada shacabka Soomaaliyeed, carruur iyo cirroolaba. Waxaan tusaynaa in innagoo wada jir ah aan dib u dhisno Masjidkii, dugsi Quraankii iyo Xarunta Degmada.”

Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa tacsi u diray dhammaan qoysaska iyo ehelada dadkii ku dhintey weerarkan.Isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in meel looga soo wada jeesto argagixisada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed...

Wasaaradda ganacsiga oo dhiirrigalinaysa kordhinta wax-soosaarka gudaha

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha dowladda FS mudane Jamaal...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...