Al-shabaab oo Musalsal ka dhigtay beegsiga Masaajidda

Date:

Sida looga bartay kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab waxa ay mar kale Qarxiyeen Masaajid dhinaca ku hayey xarunta degmada Howl-wadaag.

Gaariga Walxaha Qarxa laga soo buuxiyey waxa uu baabiโ€™iyey dhammaan jiritaanka dhismaha Masaajidka iyo goobo dad shacab ah loogu qidmeynayey adeegyada ay u baahan yihiin.

Waxaa Basbeelay qaar ka mid ah Kitaabadii Masaajidka, Minbarkii iyo dhammaan agabyadii cibaadada, tani waa farriin kale oo sheegeysa in Al-shabaab ay isu rogeen diin-laaweyaal diidan diinta ALLE.

Falkaan ย lagu Qarxiyey Masaajidka waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo Dhaawacba leh, laakiin ย islamarkiiba waxaa la arkayey dadweyne isxilqaamay oo u gurmaday dadkii wax ku noqday arxan laโ€™aanta Al-shabaab.

Al-shabaab Musalsal ayeey ka dhiganayaan in ay beegsadaan Masaajidda iyo Malcamadaha Qurโ€™aanka.

Duqa Muqdisho oo booqday Masaajidka ay Qarxiyeen Al-shabaab waxa uu u tacsiyeeyey dadkii ku dhintay, kuwaa ku dhaawacmay iyo askartii Naftii haligaha Rasaasta la dhacday oo qaar ay ka Shahiideen halkaas

Waxa uu ammaanay Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow ย dadweynihii gurmadka isxilqaamka ay ka qeyb-qaatay, ย goobaha Cibaabada ALLE ee ay beegsadeen markii labaadna in si deg deg ah loo dhisayo.

Toddobaadkii hore Masaajid iyo Dugsi Qurโ€™aan ayeey sidaan oo kale ka geysteen Fal Qarax ah, si ay u laayaan dadka cibaadeysanayey iyo ardeyda yar-yar, laakiin Masjidkii ay burburiyeen waxaa dhagax dhigay Guddoomiyaha gobolka Banaadir si loo tuso in aysan cibaadada ALLE ummadda Muslimka ah ka hor istaagi karin AL-shabaab.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale