Madaxda Soomaaliya,Ethiopia iyo Eritrea oo 6-da bishan ku shiraya Asmara

Date:

Waxaa dhowaan lasoo gunaanadey shirkii FOCAC ee  ka dhacay Magaalada Beijing ee waddanka Shiinaha, laguna saxiixay heshiiska iskaashiga ganacsiga ee Africa-China ee looyaqaan “Road and Belt initiative”, iyo shirkii ka horreeyey ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo waddamada la saaxiibka ah looguna magacdaray “Somali Partnership Forum”, ee bishii Luuliyo lagu qabtay magaalada Brussels. Shirarkaas oo si buuxda u dhiirrigeliyay in laga wada shaqeeyo xasilloonida iyo isku-furnaanta dhaqaalaha gobalka.

Iyadoo laga duulayo dhiiragelinta shirarka kor ku xusan, ayaa dhowaan la qaban doonaa shir saddex-geesood ah oo dhex mari doona Madaxweynayaasha Somalia, Eritrea, iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia. Shirkaasoo ka dhici doona magaalada Asmara ee waddanka Eritrea 6da-7da bisha September 2018ka.

Shirkan waxa uu gogol xaar u yahay sidii la’isugu xiri lahaa xaaladda amni iyo kobaca dhaqaale ee waddamada gobolka oo dhan. Maadaama dunidu hadda u soo jeesatay fursadaha maalgashiga ee Geeska Afrika, waxaa lagama-maarmaan ah in aan door mug leh ka qaadanno isbeddelka iyo horumarka dhaqaale ee ka socda gobolka. Somaaliya waxay diyaar u tahay in ay qaadato doorkii ay horey u lahaan jirtay, iyada oo si firfircooni leh uga shaqeyn doonta ka faa’iideysiga fursaddaha cusub ee iskaashiga gobolka, isu soo dhawaanshaha iyo xallinta khilaafaadka geeska Afrika.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Jaamacadda Ummadda iyo Jaamacadda Ruwaanda oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo dhinacyada waxbarashada

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) iyo Jaamacadda Ruwaanda (University of...

TALIYAHA CIIDANKA XDS OO SHIR GUDDOOMIYAY SHIRKA SUBAXLAHA EE TALISKA GUUD EE CIIDANKA

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed...

Safiirka JFS ee Dalka Liibiya oo laga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Liibiya, Mudane Cabdifataax...

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Jowhar Casho Sharaf ugu Sameeyay Saxafiyiinta iyo Hobollada Qaranka Waaberi

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe),...