Doorashada Kursi kabanaan Golaha shacabka oo Hada Ka socota Magaalada Dhuusamareeb

Date:

 

Waxaa magaalada Dhuusomareeb ee Xarunta Galmudug ka bilaabtay doorashada mid kamid ah kuraasta Baarlamaanka oo banaan, kaasi oo musharixiin ay ku tartamayaan.

Kursiga loo tartamayo waxaa 19 bishii Agoosto ee sanadkaan baneeyay C/qaadir Gaafow Maxamuud oo iska casilay xilka xubinnimada Baarlamaanka Soomaaliya.

Gelinkii dambe ee shalay waxaa magaalada Dhuusomareeb gaaray C/llaahi Gaafow Maxamuud Taliyihii hore ee Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo NISA oo doonaya inuu u tartamo kursiga uu baneeyay walaalkii C/qaadir Gaafow.

Doorashada Kursigan ka banaan Aqalka Hoose waxaa ku tartamaya Genaraal Cabdulaahi Gaafow Maxamuud Taliyihii hore ee Hay’ada Nabad Sugida iyo Xiirey Muxudiin Cumar Gudoomiyihii hore ee Degmada Dayniile.

Doorashada ayaa hada si toos ah uga socota magaalada Dhuuso mareeb , maadaama shalay la dhameeyay diiwaan gelinta ergada doorashada ka qeyb galaysa iyo xubnaha korjoogtada ah.

Doorashadan ayaa Hada waxaa goob joog ka ah Guddiga Doorashooyinka, Wasiiro ka tirsan Galmudug, Maamulka Gobolka kan Degmada, Ururada Bulshada Rayidka iyo Warbaahinta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...