Britain oo dhaqaale ku bixineysa la dagaallanka Al-Shabaab

Date:

Dowladda Ingiriiska ayaa ballan qaadday inay dhaqaale gaarayo 7 Milyan oo Yuuro ku bixin doonto taakuleynta Ciidamada AMISOM, si ay sare ugu qaadaan dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab.

Hadalkan ayay Raโ€™iisul wasaaraha Dalka Britain Theresa May, sheegtay xilli ay booqasho ku maraysayย  ย Dalal ay ka mid tahay Kenya, iyadoo sheegtay inay xaaladda ka taagan Dalka Soomaaliya saamayn ku yeelan doonto Waddamo kale, haddii aan wax laga qaban.

Mss, May ayaa intaa raacisay in ay lama huraan tahay in xoogga la saaro sidii loo heli lahaa nabad gelyo waarto oo ka hana qaadda Soomaaliya, taasina lagu gaari karo in dedaallo dheeraad ah lagu bixiyo la dagaallanka kooxaha argagixisada.

Dowladda Ingiriiska ayaa door weyn ku leh tababarrada iyo taakuleynta Ciidamada howl-galka Midowga Afrika ee AMISOM iyo kuwa Soomaaliya, iyadoo sidoo kale dhaqaale fara badan ku bixiso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...