Shacabka Muqdisho oo soo dhaweeyay la xisaabtanka Hey’adaha Dowladda

Date:

Muqdisho(SNTV)–Shacbiga ku nool Magaalada Muqdisho ayaa si weyn u soo dhaweeyay la xisaabtanka Hey’adaha Dowladda, kadib markii uu Raiisul-wasaaraha Dalka uu dhawaan soo gabagabeeyay la xisaabtan uu la sameeynayay Hey’adaha Dowladda.

Qaar Ka mid ah shacabka Caasimadda oo Warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa sheegay inay si weyn u soo dhaweeynayaan la xisaabtanka masuuliyiinta Hey’adaha Dalka, iyagoo ra’yigooda cabiraya ayaa yiri ” waxaan soo dhaweyneynaa la xisaabtanka Hey’adaha Xukuumadda, sababtoo ah isla xisaabtanku waxa uu keenayaa horumar, wuxuuna ka hortagayaa dib u dhac,isagoo meesha ka saarayaa musuqa”

Xukuummadda Soomaaliya oo hadafyadeeda ugu weyn ay ka mid yihiin dagaalka ka dhanka ah musuqa iyo kobcinta dhaqaalaha dalka ayaa dardar gelisay qorshaha lagu baarayo shaqsiyaadka dowladda u shaqeeya ee looga shakisan yahay xatooyada xoolaha dad-weynaha, waxaana dhawaan la xiray 10 sarkaal oo ka mid yahay madaxii canshuurta dekadda Muqdisho oo lagu eedeeyay in ay musuqmaasuq geysteen.

Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa dhawaan sameeyay la xisaabtanka Wasiirrada Wasaaradaha Dowladda ee sannadlaha ah, si loo qiimeeyo hawlaha Wasaaradaha uga hir-galay qorshayaashii u degsanaa ee ay ahayd in ay fuliyaan, waxaana Wasiir waliba oo ka mid ah la soo hor-dhigay qorshayaashii lagu balamay in uu fuliyo, iyada oo Wasiirrada ku cusub xukuummadda uu Ra’iisul Wasaaruhu kala hadlay diyaarinta qorsha hawleedkiisa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, oo Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda Cagta ayaa maanta...

Danjire Cabdikarin Axmed oo warqadihii aqoonsiga u gudbiyay Madaxda Finland

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden Cabdikarin Axmed Maxamed...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th March, 2026

1- President Hassan Sheikh Mohamud led the Eid al-Fitr...