Tababar ku saabsan Waxbarashada Madaniga ee dib-u-eegista Dastuurka oo ka furmay Cadaado

Date:

Cadaado(SNTV);-Wasaaradda arrimaha dastuuurka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo wasaaradda arrimaha dastuurka iyo dib u heshiisiinta Galmudug ayaa maanta magaalada Cadaado ka furay tababarka tababarayaasha waxbarahda madaniga ah iyo wacyi gelinta dadwaynaha ee ariimaha dastuurka.

Tababrkaan oo socon doona muddo afar maalin ah ayaa labada maalin ee ugu horraysa waxaa ka faa’iidaysan doona bulshada rayidka ah ee ku dhaqan deegaanada Galmudug halka labada maalin ee ku xigtana la tababari doono qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradaha dowlad goboleedka Galmudug.

Ugu horrayn, agaasimaha Guud ee wasaaradda dastuurka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Zubayr oo kulanka ka hadlay ayaa sharraxaad guud ka bixiyay ujeedada laga leeyahay tababrkaan iyo waxa laga doonayo dadka ka faaidayta tababarkaan.

“tababrka tababarayaasha waxbarashada madaniga ah iyo wacyigalinta dadwaynaha ujeedadiisu waxa ay tahay in dadka la tababro ay sii tababaraan dadka kale ee ku nool deeganda hoos yimaada dowlad goboleedka Galmudug si loo daadejiyo arriamaha dastuurka islamarkaana qof kasta oo Soomaali ah uu wax uga ogaado arrimaha dastuurka iyo halka ay marayso dib-u-eegistiisa”
Ayuu yiri agaasime Zubayr.

“Maadaama dastuurku yahay heshiis bulsho, waxaa lagama maarmaan ah in qof kasta oo Soomaali ah uu aragti ku yeesho dib-u-eegista dastuurka, si qof kasta oo muwaadin ah uu u dareemo lahaansho” ayuu hadalkiisa ku daray agaasimaha.

Agaasimaha ayaa kula dardaarmay ka qayb galayaasha tababrkan in ay si wanaagsan uga qayb qaataan islamarkaana ay soo bandhigaan su’aalaha ka dhex guuxaya ee ku saabsan dastuurka si ay u helaan jawaabo wanaagsan uguna sii gudbiyaan dadka kale ee ku nool deegaanda hoos yimaada Dowladda Gamudug.

Gabagabadii waxaa kulanka si rasmi ah u furay wasiirka dastuurka iyo dib-u-heshiisiinta Galmudug mudane Mohamed Olaad waxa uuna sheegay in wasaaraddiisu ay ka go’antahay daadejinta waxbarashada madaniga ah iyo wacyigalinta dadwaynaga si qof kasta oo ku nool deeganda galmudug uu fahmo muhiimadda dastuurku uleeyahay bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo u hambalyeeyay masuuliyiinta la doortay ee Guddiga Xuquuqul Insaanka Soomaaliya

Muqdisho, Febaraayo, 04,2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan...

Ra’iisul Wasaarihii hore Cali Maxamed Geedi oo hambalyo u diray xubnaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Geedi,...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Xarun Waxbarasho oo laga hirgeliyay Garasbaalley

Muqdisho, Febraayo 04, 2026: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna...

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo ku tallaabsanaya dhismaha guddi saaxiibtinimo oo Baarlamaan

Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Aljeeriya, Danjire...