Duqa Muqdisho oo jaaliyadda Imaaraadka ugu baaqey inay ka qeyb qaataan horumarka Caasimadda

Date:

Muqdisho(SNTV):- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa magaalada Dubai kula kulmey jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan dalka Imaaraadka oo halkaas ku qabtey xaflad ay ku soo dhoweynayeen.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa ku ammaaney Soomaalida ku dhaqan Imaaraadka, sida ay uga dhex muuqdaan bulshada kale ee waddanka ku dhaqan, isagoo ugu baaqay inay ka qeyb qaataan horumarka dalkooda.

Mudane Eng.Yarisow ayaa jaaliyadda Soomaalida uga warbixiyey xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Caasimadda ee dib uga soo kabanaysa dhibaatooyinkii ay reebeen dagaalladii sokeeyo, waxuna tilmaamay guulaha wax ku oolka ah ee la gaaray in ay dhiirigeliyeen horumarka lagu tallaabsaday.

“Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Imaaraadka Carabta waxay kaalin wanaagsan ka soo qaateen horumarka dalkooda, hadana waxaan idinku sii dhiiragelinayaa dadaalkiina inaad sii labo jibaartaan, gaar ahaan magaalada Caasimadda ee Muqdisho oo xiligan dib ayay u soo kabanaysaa waa in aad doorkiina ka qaadataan”.

Xubnaha jaaliyadda Soomaalida ee Isutagga Imaaraadka ayaa iyaguna halkaas Guddoomiyaha ku siiyey warbixinno la xiriirta xaaladahooda iyo sida ay diyaarka ugu yihiin in ay ka qeyb qaataan horumarka dalkooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee dalka Hindiya oo xabsiga ku booqday Muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xiran

Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya ayaa...

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Xarunta Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Hodan oo ku soo baxday tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga Afar dhamaadka oo la sameeyay

Degmada Hodan oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...

Ex-Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin oo dil toogasho ah lagu xukumay

Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin, ayaa lagu edeeyay dilka...