Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo kormeeray Dekadda Muqdisho

Date:

Muqdisho(SNTV):-Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo maanta kormeer ku tegay dekadda Muqdisho ayaa u kuur-galay habsami u socodka howsha dekadda.

Ra’iisul wasaaraha oo kormeerkiisa ku tegay qaybaha ka duwan ee dekadda ayaa maamulka dekadda, taliska booliiska iyo madaxa cusub ee canshuurta dekadda ku boorriyay in ay dar-dar geliyaan shaqada, qayb waynna ka qaataan la dagaallanka musuq-maasuqa, si sare loogu qaado dakhliga dowladda.

Dekadda Muqdisho oo kamid ah ilaha ugu mumiisan ee dhaqaalaha dalka ayaa dhawaan waxaa lagu sameeyay horumarin ballaaran, iyada oo lagu guulaysatay in dekaddu shaqayso habeen iyo maalin.

Xukuummadda Soomaaliya oo hadafyadeeda ugu wayn ay kamid yihiin dagaalka ka dhanka ah musuqa iyo kobcinta dhaqaalaha dalka ayaa dardar gelisay qorshaha lagu baarayo shaqsiyaadka dawladda u shaqeeya ee looga shakisanyahay xatooyada xoolaha dad-waynaha, waxaana dhawaan la xiray 10 sarkaal oo kamid yahay madaxii canshuurta dekadda Muqdisho oo lagu eedeeyay in ay musuqmaasuq gaysteen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...