Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo sii xoojinaya xiriirkooda

Date:

Jabuuti-RisaalaFM- Maxamuud Cali Yuusuf oo ah Wasiirka arrimaha dibadda dalka Jabuuti ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti uu sii ahaan doono mid xooggan, kadib qoraal kooban oo uu ku soo qoray bartiisa Twitter-ka.

Wasiir Maxamuud ayaa sheegay booqashada Madaxweynaha Soomaaliya uu ku joogo magaalada Jabuuti inay xaqiijineyso xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal, islamarkaana labada Madaxweyne ay ka wada hadleen arrimo labada dal ku saabsan oo waxyaabihii laga wada hadlayna laga soo saari doono war-murtiyeed.

“Waxaan idin xaqiijinayaa xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti inuu sii ahaan doono mid xooggan, Madaxweyne Farmaajo oo booqasho ku jooga Jabuuti ayaa dhiggiisa Jabuuti wuxuu kala hadlay xiriirka labada dal, waxaanu nahay laba dal oo walaalo ah oo aan si naba u kala maarmin”. Ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti.

Jabuuti ayaa kaalin weyn ka soo qaadatay dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya kadib bur-burkii dalka, waxa ay sidoo kale qeyb ka tahay howlgalka  nabad ilaalinta Midowga Africa AMISOM.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka hey’adda (UNICEF) ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Dhuusamareeb oo ka warbixiyay halka ay marayaan howlaha gurmadka

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee magaalada Dhuusamareeb ayaa ka warbixiyay...

Diinsoor oo ku soo baxday tartan cilmiyeedkii bisha Ramadaan

Degmada Diinsoor oo ka tirsan Gobolka Baay ayaa u...

Horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta oo la khaarijiyay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...