Ciidanka Xoogga oo nolosha ku qabtay 5 ka tirsan Al-shabaab

Date:

Ciidammada Xoogga dalka ayaa gacanta ku dhigay malleeshiyo ka tirsan Al-shabaab oo weerar ku soo qaadday fariisin ay ku lahaayeen ciidanka deegaanka Calamada ee duleedka Muqdisho.

Cidammo ka tirsan Guutada qeybta 12-ka April ee Xoogga dalka Soomaaliyeed oo Bar Koontarool  ku leh deegaanka Calamada ayaa ka hortagay weerar gaadmo ahaa oo ay soo qaadeen shan nin oo ka tirsan malleeshiyada Al-shabaab, ciidanka ayaa gacanta ku dhigay shanta nin oo uu ka mid ah dhaawac yahay.

Sidoo kale ciidanka waxa ay qabsadeen gaarigii malleeshiyadaas ay wateen oo isu soo ekeysiiyey Baabuur Safar ah.

Sargaal  ka tirsan qeybta 12-ka April ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in ay hayeen warka la xiriira malleeshiyo Shabaab ka tirsan oo weerar ku soo ah, ayna u diyaar garoobeen, isla markaana sidii ay wax u qorsheysteen ay u suurogashay.

Waxa uu intaa ku daray Sargaalka ciidammada ka tirsan in magaalada Muqdisho loo soo qaaday 5-ta rag ee ay kooxda Al-shabaab  ka qabsadeen iyagoo nool.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa...

Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...

Jaaliyadda Soomaalida ee Xadarmuut oo afur u sameeyay Safiirka Soomaaliya ee Yemen

Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen C/Xakiim Maxamed Axmed...

Buulo burde oo ku soo baxday Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Degmada Buulo burde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa...