Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Dhagax Dhigay Dhismaha Waddada Liido

Date:

Muqdisho Sabti August 11 (SNTV);-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo dhagax dhigay dhismaha waddada laamiga ah ee xeebta Liido ayaa ku bogaadiyey shacabka Soomaaliyeed sida ay uga go’an tahay ka qayb galka dadaallada isku tashiga ah ee lagu dhisayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in shacbka Soomaaliyeed iyo Dawladda Federaalka ah ay hor yaallaan qorsheyaal muhiim ah oo ku aaddan sidii dib loogu dhisi lahaa waddooyinka, kaabayaasha nolasha iyo goobaha taariikhiga ah ee dalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ku ammaanay Maamulka Gobolka Banaadir dadaalka ay ku bixiyeen sidii dib loogu dhisi lahaa waddooyinka Caasimadda, isagoona tilmaamay in dhismaha wadada Liido ay leedahay ballaaran maadaama ay marin u tahay goobo dalxiis oo soo jiidanaya dalxiiseyaasha caalamka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa uga mahad celiyey Ra’iisul Wasaaraha kaalinta ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ka qaadatay dhismaha waddadaan oo noqonaysa middii 5-aad ee la hirgeliyo tan iyo bilowgii sannadkan 2018-ka.

Maamulka Gobalka Banaadir oo fulinaya barnaamijka xukuummadda ee dib usooo celinta kaabyaasha dhaqaalaha dalka iyo bilcda magaalada Muqdisho ayaa horay u dhisay wadooyin muhiim ah oo burbursanaa waqti dheer.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee ku sugan Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah...

Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Jabad Godane ee G/ Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada...

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...