Wasiir ku xigeenkii Arrimaha Dibedda oo shaqadii laga joojiyey

Date:

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa shaqo joojin ku sameeyay wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Dowladda Soomaaliya Mudane Mukhtaar Mahad Daa’uud.

Wareegtadaan ayaa waxaa warbaahinta Qaranka ka akhriyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Yuusuf Alcadaalla.

“ Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda  Federaalka Soomaaliya markuu arkay Qodobka 99-aad xarfihiisa A,B,E iyo I ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya,markuu arkay qodobka 100,xarfihiisa A,B iyo D,Dastuurka KMG ah ee JFS,markuu arkay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu aas-aas u yahay ku dhaqanka dastuurka,xeer hoosaadka Golaha Wasiirada,shuruucda iyo Xeerarka u yaalo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,ayna ku shaqeyneyso daahfurnaan,isla xisaabtan iyo Dowlad wanaag ku saleysan qorshaha Horumarinta Xukuumadda Qaranka

Markuu tixgeliyay soo jeedinta Hanti dhowrka Dowladda,markuu garowsaday in la gun gaaro dulucda Murtida eedeynta lagu soo oogay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibada wuxuu meel mariyay shaqo ka joojin,laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 9-ka bisha Augost sanadka 2018-ka,waxaa shaqada laga joojiyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Mudane Mukhtaar Mahad Daa’uud, si Hay’adaha isla xisaabtanka sharciga oo ay ugu horeeyaan Hanti dhowrka Guud iyo Xeer ilaaliyaha Guud Waajibaadkooda uga gutaan si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka.”

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...